Posts

Showing posts from June, 2025

CABDIRACMAAN CADHOOLE

Image
 Qabashadii iyo dilkii Cabdiraxmaan Cadhoole AHUN, waxa uu ka mid ahaa raggii u dhintay calanka iyo gobannimada dalka Jabouti. "22-kii bisha—oo ahayd maalintii xigtay maalintii aabbahay la xidhay, ayaa waxa guriga noogu yimid xubno sarsare oo ka tirsanaa xusbigii gobannimodoonka “PMP” ee aabbahay na uu ka tirsanaa. Raggaas waxa ka mid ahaa, Wihiib Ciise, Axmed Ciise “Sheekho” iyo Xuseen Xasan “Alle Magan”. Raggaas ayaa waxa ay is raaceen hooyaday, iyaga oo ku talogalsanaa sidii ay u soo raadin lahaayeen bal meesha aabbahay uu ku suganyahay. Muddo lix cisho ah oo gabbal iyo waale ay socdeen sidii ay aabbahay meel uun ugu soo hubsan lahaayeen, taas wax natiijo ah kama ay geedhin. Maalintii 27-aad ee bisha ayaa waxa ay u tageen ninkii Maayarka ka ahaa Jabuuti oo Faransiis ahaa. Markii ay la kulmeen maayarka ayaa ay weyddiiyeen, ‘halka ay geeyeen sirdoonkii Faransiiska ee qaatay aabbahay, maaddaama lix cisho meel walba laga soo eegay lana soo waayay. Maayarkii waxa uu markaa ugu jawaa...

CABDI GAHAYR

Image
Gabaygan waxa uu Cabdi Gahayr tiriyey habeen uu u soo hoyday nin dhalay carruur ay Cabdi habro-wadaag yihiin. Markii lays yidhi geelii maala ayaa la waayey inankii barbaarka ahaa ee geela soo xareeyay. Cabbaar markii la is weyddiiyay, ayaa markii danbe la sheegay in uu ciyaar guday wiilkii! Odaygii inanka dhalay ayaa Cabdi u calaacalay—oo ku yidhi, "Cabdiyoow inanka waani bal waa intaa oo uu wax kaa maqlaaye". Markii inanki subaxdii danbe yimi ayaa uu Cabdi wiilkii gacanta qabtay, inta uu gaar ula baxay ayaa uu gabaygan dhegihiisa ku shubay; saa waa intaasoo wax ku qaadaye! Wiilka sida la wariyay waxa la odhan jiray Gahayr, waxaana uu ahaa Cabdi habar-wadaaggii. Wuxu Cabdi Gahayr yidhi: Heellada Gahayroow raggii, heesi jiray daaye Habeenkii Nugaal kama tumaan, hoobalkii bariye Hir guduudan Haaruunnadii, kama hirwaystaane Ba—Xawaadle hoobaan Wardheer, ugama heesaane Aduunbaa hagoogane xarrago, laga humbaaleeye Hadhuubkii laguu soo lisaad, haysataa weliye Sidii hooyadaa kuu dha...

ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR (Q5—AAD)

Image
RIYO" Gabayganna Ismaaciil waxa uu ka tiriyay riyo uu habeen ku riyooday. Isaga oo badweyn gudaheed ku jira, oo markabkii uu saarnaa moolal aan la cabbiri karin la dhex gooshayo, ayaa uu manaamku gaynayaa hawd hogob iyo caleen leh, oo inta uu geel haleelo ahi ugu dhalay, fardo heetinaya iyo dumar hu' qurxooni goob ay joogaan aroos looga gingimay. Dhabeel midab qurxoonna inta aqal loogu hooyay uu kobtaas caruus ku yahay, musharraf iyo maqaawiir gole joog lehna inta ay kulmeen uu gacan qaadku laba dhacaayo. Hal mar haddii uu dhankaa isku rogay abwaanku, ayaa uu dhagidii ka toosay. Anfariirka iyo yaabka ku dhacay ayaa se noqday in uu badweyn iyo markab dushii saaranyahay! Firkannixii riyadu lahayd iyo halka uu joogo kolku isku eegay, ayaa uu tixdan gaaban mariyay Ismaaciil AHUN—e, wuxu yidhi: "Nuuraw miraaqada adduun, meel aan xalay joogay Miyigaan u baxay een sartiyo, maylimada qaatay Maalkaan gatiyo qaalmahaan, miimka ku asteeyay Mahiigaanka da'ay ee dhulkii, wada mado...

SUMMADAYNTA SUUGAANTA DUMARKA

Image
Barashada summadaynta suugaanta ayaa aynu hadba dhan ka eegi doonnaaye, caawana waa "Maryama Xaashi", waa gabadh in badan magaceeda Suugaanta lagu arkay, caawana waxa aan rabaa in aynu isla wadaagno dumarka Soomaalida—ee Suugaanta dhexdeeda ugu magaca dheer, sida Hodan, Marmaya Xaashi, Barni, Aamina Siraad, Mullaaxo, Tafo-dhiig, Cawrala iwm. Anigu waxa aan innoo soo qabtay dhawr tusaale oo Maryama ku saabsan, idinkana waxa aan idiin kala baxayaa dumarka kale—ee Soomaaliyeed, magacoodana suugaanta lagu suntay.  FG, dumarka ama qisooyinka Carabtu kuma jiraan, sida Layla, Suleekha Iwm. " Maryama Xaashi iyo tuu Gahayr, madar ka sheegayay Iyo marantiduu Cige-Baraar, meel fog kaga booday  Muran maleh Ducaalow inay, muunad dheer tahaye  Maankaba ka jaray naago kale, muhindiskoodiiye  Haddii qaaddi ii meheriyoo, midigta lay saaro  Ka mabsuuday dunidaba illeen, maalintaa qudhahe! Cilmi Boodhari "Lagu mood magaalada Bumbay, macawisihii yiile Lagu mood Maryama Xaashidii, ...

ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR, Q4—AAD

Image
   " BAAL" Gabaygan kale waxa uu Ismaacii kula hadlayaa xaaskiisa. Waxa la yidhi "Ismaaciil oo xoolo badan sita ayaa dalka yimid. Kan intan sii, kaas intaa u dhiib, keer waxaas u gee..." Nin aad u gacan furan ayuu ahaaye, dhar iyo dhuuni wixii uu sidayba tolkii ayuu ku sharraxay, in aan waxba ku hadhin gacantiisa kolkii la arkay, muddo badanna uu dalka joogay, ayay dumarkii ku direen gabadhiisii. "Naa ninkan dab iyo iyo reer laawaha ah, ee wixii uu helaba bixinaaya maxaad ka dul qaban. Naa magacaa ba'ye meesha iskaga tag; ma cidluu kaa helay!" Wax aan meeshaba leekayn ayay sidaa ugu akhriyeen miskiintii. Ismaaciil oo markaa u caqli celinaaya, una sheegaaya in uu baddiisii ku noqon doono, kuwaas soo afuufayana in uu indhahooda wax tusi doono, una ballanqaadaya xaaskiisa in uu kuwa ku diraya cagaheeda hoos keeni doono, ayaa gabaygan hoose u marinaya xaaskiisii; waxa uu yidhi: " Naagyahay ballanni waa intaan, beledka joogaaye Berraan socon haddii aan...

JIN IYO JACAYL, Q4—AAD

Image
Halkaa kolka ay sheeko marayso, ayay haddana oohin kale qabsatay!! Waan aamusiin kari waayey illaa uu naqaskii ku dhagay oo ay hadli kari wayday oohin darteed!! Anoo anfariirsan baan dhigay mobilekii, haddana isla daqiiqaddiiba waan ku celiyey. Juuqna, ha iska dhaca uun... Markii mobilekii ay qaban wayday waan ka daayay garaacii. Saacaddu markay ahayd 2:30 habeennimo, ayay isoo garaacday Tasmiin. Wada hadalnay xilligaas. Intaan dejin karayeyna dejiyey. Laakiin markay xoogaa joogtaba way ooyeysay. Xal aan ku xakameeyo oohinteedana wali ma hayo. Cabsi badan ayaa i gashay. Inantu waxan ay ka ooyayso ayay wax badan naftaydu iska weyddiisay. Wax aan naftayda jawaab uga dhigo wali ma hayo.... Muddo illaa laba toddobaad ah ayaannu sidii ku wada hadlaynaa. Subax walba iyada ayaa ii kicisa salaadda subax. Walaw habeenkii oo dhanba aannu wada hadlayno, oo inta aannu jiifsannaaba ay waxyar tahay, haddana marnaba may seegi jirin inay ii kiciso salaadda. Subax danbe ayaanay inantii iba soo wicin in...

ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR, Q3—AAD.

Image
HAANTAAN GUN LOO TOLIN Ismaaciil oo sida gabaygiisan sare ka muuqata waxoogaa adduunkii ka luufluufay, ayaa mar kale si gaar ah xaaskiisii ula hadlaaya. Adduunka ka sii kordhi mooyaane in aan qofna niyadda ku haynin intan aad hayso uun bismilayso ayuu innoo sheegayaa. Wax kaste oo aad jeceshay kolka aad gaadho, in hammigu meel kale balag kaaga lulaayo ayuu dhab u tilmaamayaa. Si kaste oo aad naftaada u hawshana, in wixii Rabbi kuu qoray wax ka badan aanad soo korodhsanayn, ayaa uu laabta innoogu shubayaa. Ka sii darane, ama ha bato ama ha yaraado—e, wixii tacab aad soo xooriso haddii aan xaaskaagu kula meel dhigayn, in tacabkaagu uu la mid yahay nin haan gun la' dhaaminaya ayuu tilmaamayaa. Ugu danbaynna in xaaskiisa uu ku harraaday sida—uu u waaninaayay ayuu ugu gebagebaynayaa; wuxu yidhi: "Hawo duunyadeed waa intaad, galabba haysaaye Hal haddii aad leedahay labaad, ku hindisootaaye Hir markii aad gaadhoba midbuu, kaa horbixiyaaye Haddaad Haalig iyo Maalig tahay, hagar la...

JIN IYO JACAYL, Q3—AAD.

Image
Naftaydii ayaan la shawrayaa. Sheekooyinkay iiga sheekaynaysay iyo waxay igu lahayd ayaa igu soo laba noqonaaya. Ma cashayn. Dhaygag ayaan la gaafwareegayaa. Waxyaabo badan ayay naftaydu intay maqnayd is weyddiinaysaa. Waxa aan ka fikirayaa waxa ay uga socoto hadalkan illaa fiidkii ay igu dhurayso! Waxa aan ka werwersanahay danta ay iga yeelan doonto. Mobilekii kolkuu dab yari iigu dhacay, ayaa ma sugi karo e, aan ku celiyey inantii. Waa diyaar! Ilbidhiqsigiiba way iga qabatay; allaylahee. Wax ay sheekadu noo socotaba, ugu danbayntii ayay iisoo jeedisay arrin ka fudud waxan ka malaysanaayay oo dhan. Waxay igu tidhi, "Walaal wax ma kaa codsan karaa?" Naxdintii adduunkaa iskugu kay timid; 'qoodh iyo xero waxad ka werweraysay wakaas hadda bilaabmay' ayay maskaxdii leedahay. "Haaye iga codso" ayaan ku idhi. Xidhiid! In aannu xidhiidh sheeko wadaag ah, oo kii gayaan loo ogaaya aannu wadaagno ayay iga codsatay. Kolka hore waan naxsanaaye, waxa layga codsaday haddi...

ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR Q—2AAD.

Image
  "TABANTAABO" Gabayga labaad waxa aynnu ku soo qaadan doonnaa gabaygii 'Tabantaabo' Ismaaciil xagga aabbe madi ayuu ka ahaa, oo wax ragga kalama uu walaal ahayn, xagga hooyo ayuu nin kale oo aan dhaqasho fiicnayn, dedaalkiisuna badnayn ay walaalo ka ahaayeen. In muddo ah wixii xoolo uu ka soo shaqaysto maraakiibta iyo dhulka carabtaba, walaalkii ayuu ku soo hubsan jiray, inta uu gacanta u soo geliyana, "Xoolo innoo sii" ayuu ku odhan jiray; oo dhaq. Isna uma aabba yeeli jirine, sida uu rabo ayaa uu tacabkaas walaalkii ka yeeli jiray. Caqabad kale oo weyn ayaa Ismaaciil ka haysatay xagga xaaskiisa, oo marar badan waxa uu ku dhaliili jiray Ismaaciil, u dhegonuglaanta xanta dumarka iyo dhaqasho yarida xoolaha uu bad iyo berriba u maray. Haddaba, abwaanku isaga oo arrimahaas ka warramaya ayuu gabaygan kooban tirinayaa. Gabay ay ka muuqato tacabqasaarka uu abwaanku ku qabo walaalkii iyo xaaskiisaba. Gabay uu dhab uga calaacalaayo wixii uu dedaal bixiyay, iyo sid...

JIN IYO JACAYL 2

Image
Maqrib illaa salaadda cishaha inta u dhaxaysa, aad ayuu substationku mashquul u ahaan jiray. Macaamiil badan ayaa ka adeegan jiray wakhtigaas, sidaa daraadeed kumaan soo noqon inantii iyo ballankeediina kama aan soo bixin. Intaas oo kaliyaata uun maqnaantaydu ma qaadane, laba illaa saddex cisho kumaan noqon substation kii. Anigu aan maqnaado e, shaw iyadu intaas ba way isoo waci jirtay maalin walba! Gabbal iyo waalana taleefankii ku soo waashay meheraddii. Dharaartii danbe ayay xal keentayoo, shaw Kayse ayay ku tidhi, “Talefanka gacanta ee Axmednuur wato i sii walaal...” Isna kuma masuugine , durbadiiba waa kaas halhaleel ugu soo taagay. Todobadka saddexda cisho ee hore tafsiirka Qur'aanka ayaan sheekh Dirir masjidkiisa ka soo dhigan jiray. Qaar ka mid ah asxaabtayda ayaannu soo wada marsan jirnay kitaabka e, aniga oo masjidkii fadhiya ayaa lanbar aanan garanayni isoo wacay. Inta aan sidaas u eegay, lanbarka isoo wacaayana aan garan waayay ayaan iska damiyay talefankii. Iska sii w...

ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR

Image
  Abwaan Ismaaciil Nuur Faruurbuur Bad mareennimadiisa ka sokaw, Ismaaciil nin miiga iyo magaaladaba ka tabcada ayuu ahaa. Foolaadka qarnigii 19-aad ee falkinta suugaanta aan lagu hawaysan jirin, ee inta looga wada hadhay dhegaysigooda loo beratami jiray ayuu kaalmaha horre kaga jiray. Suugaanyahan gole ka fuul ah, oo aan hadalka calaalinnin ayuu ahaa; weligiina gabay uu tiriyay kuma celin ayaa la yidhi. "Ismaaciillaw gabaygii caynkaas ahaa noo mari" kolka la yidhaahdo, "Kan ba dhegaysta" ayuu odhan jiray baa la yidhi. Qabyaalladda iyo naxliga reerruhu in kaste oo ay meel sare ku darruurraayeen wakhtigaas, haddana Ismaaciil nin ka faro baxsan oo aan dhacdhaca xagga qabaliga ku dheeraynnin ayuu ahaa; AHUN. Ismaaciil Nuur Faruur-buur AHUN—e, oo ahaa gabyaa af-qabeen ah, ahaana badmareen maraakiibta la socda, oo hadba meeshii shaqo ka jirto u goosha, ayaa wakhti wakhtiyada ka mid ah markabkii uu la socday ku xidhay mid ka mid ah dekeddaha dalka Masar. Nin Jaamac la odh...

JIN IYO JACAYL

Image
S annadku waa 2009, bishii 2aad. Ma hubo maalmaha inta dheer, waa se galab gaaban. Shantii iyo badhkii ku qiyaas. Wakhtigu wuu ordayaaye, ka kaalay wixii hore. Bacdal makhrib igula fiidso. Waa aniga iyo laba ka mid ah jaallayaashay. Midkood waa Maxamed Daahir, ka kalana nin fog maaha e, waa Khadir Maxamed. Masjid Tawfiiq la yidhaahdo, oo xaafaddayada u dhaw ayaannu aniga iyo jaallayaashay ku akhiriyaynay maaddada Financial Accountig 1. jaamacadda ayaannu nahay sannadkii koowaad (fresh). Waa Hargaysa; Jaamacadda Hargeisa lafteeda ayaannu dhigannaa. Masjidkii annaka oo fadhina, ayuu si lama filaan ah taleefankaygu u soo dhacay. Waa wacitaan ii muhiim ah. Ka qabtay qofkii, annaka oo aan hadalka kala bogan ayuu taleefankii ka go ' ay qofkii. Lacagta ku hadalka oo go ' day ayaa sababtaye, waxa aan u baxay Substation agtayada ahaa, si aan talefanka uga soo lacagaysto. Substationka waxa haysta Kayse Cabdi nin la yidhaahdo, oo aannu asxaab dhaw nahay illaa carruurnimadii. U galay Kayse...

FARSHAXAN QARSOON

Image
Farahaxanka Suugaanta marka laga hadlaayo, tixdu waxa ay martaa marxalado kala sarreeya. Marka hore waa bad, marka xiga waa xarafraac, marka xiga waa falkin, marka xiga waa farshaxan, marka xigana waa falsafad. Midda ugu horraysa ee Badda ahi waxa ay rabtaa ilaalin gaar ah, waxa ay rabtaa in baddaa laga maansoonaayo miisaankeeda la xiftiyo oo aan hadba dhan goka loo dhaafin. Xarafraacu isaguna waa tiir lamataabtaan ah oo waajib ay tahay in hal'abuurka uu halkiisa ku ilaaliyo. Falkin ayaa ay tixdii rabtaayoo, mawduuca uu hal'abuurka ka maansoonaayo haddii aanu falkin karayn 'Bayd-gaab' ayuu noqonayaa tixdiisu aanay hanaqaad badan yeelannin. Waxa loo gudbayaa heerka farahaxanka ee maansada, taas oo ah dharkii ay tixdu ku labbisanaysay, taas na waxa loogu kala xariifsanyahay sida loo kala khiyaal badanyahay, ama loo kala hodansanyahay! Waxa Ku xigaysa falsafadda guud ee tixdu ay siddo, taas oo la rabo inay tixdii ka turjunto bulshada loo tiriyay.           Intaa si...

XARAFRAACA, HABDHACA iyo DHUDAHA TIXDA

Image
Tixdii maaddaama aynu qaybaha sare kaga sheekaynay si guud abuurkeeda iyo faracyada ay hayb ahaan ku kala aroorto, mar kale tixda waxa laga rabaa oo la’aanteed ceebi imanaysaa waa Xarafraaca. Xarafraacu waa xarafka ay tixdu ku socoto, kaas oo meeris walba laga rabo ugu yaraan hal mar. Waa xarafka ay tahay in hal’abuurku ilaaliyo marka uu doorto. Xarfahaas ayaa kala ah Shaqal iyo Shibbane. Hal’abuurku marka uu tixdiisa u isticmaalaayo shaqallada waxa laga rabaa in uu adeegsado shanta shaqal ee afsoomaaliga, kuwaas oo u oggolaanaaya in tixdiisu ay socod badan samayso, marbana uu mid isticmaali karo. Shaqallada afka ee shanta ah, “A,E,I,O,U” ayaa loo oggolyahay in hal’abuurku uu isku dhex wado meerisyada tixdiisu ay ka koobantahay, isaga oo ilaalinaaya miisaanka, habdhaca iyo shaqalladaa; waxaanay isku yihiin hal xaraf: “Oday waayo-aragaan ahoo, ayni weyn jiraye Markad ood ka bood tahay tashigu, waa in kaa maqae Ardayahay aqoonsada cilmiga, aafo waa jahale” Meerisyadan sare waxa ay ku soc...