FARSHAXAN QARSOON
Farahaxanka Suugaanta marka laga hadlaayo, tixdu waxa ay martaa marxalado kala sarreeya. Marka hore waa bad, marka xiga waa xarafraac, marka xiga waa falkin, marka xiga waa farshaxan, marka xigana waa falsafad. Midda ugu horraysa ee Badda ahi waxa ay rabtaa ilaalin gaar ah, waxa ay rabtaa in baddaa laga maansoonaayo miisaankeeda la xiftiyo oo aan hadba dhan goka loo dhaafin. Xarafraacu isaguna waa tiir lamataabtaan ah oo waajib ay tahay in hal'abuurka uu halkiisa ku ilaaliyo. Falkin ayaa ay tixdii rabtaayoo, mawduuca uu hal'abuurka ka maansoonaayo haddii aanu falkin karayn 'Bayd-gaab' ayuu noqonayaa tixdiisu aanay hanaqaad badan yeelannin. Waxa loo gudbayaa heerka farahaxanka ee maansada, taas oo ah dharkii ay tixdu ku labbisanaysay, taas na waxa loogu kala xariifsanyahay sida loo kala khiyaal badanyahay, ama loo kala hodansanyahay! Waxa Ku xigaysa falsafadda guud ee tixdu ay siddo, taas oo la rabo inay tixdii ka turjunto bulshada loo tiriyay.
Intaa si guud haddii aynu u tilmaamnay, aan gaar u calaamadinno "Farahaxanka" kaas oo ah badweyn aan laga gayoonayn guud ahaanna tixdu aanay sinaba uga maarmi karin. Qaybaha si guud la iskula yaqaanno—ee Farahaxanka, sida Hummaagyada, Afmadahanaha iwm, marka laga tago, waxa jira raadad kale oo maansada kor u qaada quruxdeeda, kuwaas oo aan rabo in halkan inyar aan idiinku iftiimiyo. Masalan ka soo qaad mawduuca aad ka maansoonaysid. Waa in aad ogaataa mawduuca aad ka maansoonaysaa in uu leeyahay god-maanseed ku habboon—oo haddii aad ku tiriso tixdaadaasi ay qurux gaar ah helayso. Marka labaad waa in aad ka fikirtaa mawduuca aad ka hadlaysid xarafka ku quruxda badan, ama uu hodanka ku yahay mawduucaasi. Tusaale ahaan xarafka "W" waa mid ka mid ah xuruufta ugu quruxda badan ee lagu tiriyo tixaha calaacalka ah! Waa maxay sababtu. Sababtu waxa ay tahay, xarafkani waxa uu hodan ku yahay erayada ku bilawda isaga—ee calaacalka miidhan ah; bal tax uun, [Werwer, walaac, waytabaaq, weehannaw...]
Mar kale waa in aad fiiro u lahaataa erayada ay ku dhammaanayaan meerisyada tixdaadu, taas oo xidhiidh gaar ah la leh baddad wax ka tirinaysid. Masalan haddii aad god "Jiifto" ah ku jirtid, in meerisyada tixdaadu ay ku dhammaadaan mar walba xidhiidhiye waa laga qurux badanyahay. Masalan xidhiidhiyayaasha [Oo, iyo...] Waxa ay aad u dilaan dhismaha tixda Jiiftada ah ee hal'abuurku la miciinsado dhammaadka meerisyadiisa! Taa beddalkeeda waxa ay xidhiidhiyayaasha caynkaas ahi ay qurux saa'id ah u sameeyaa tixda Geeraarka ah. Shuubaasha Geeraarku uu samaynayaa kuma qurux bato in uu ku dhammaado shibbane go'an ama shaqal gaar ah, ha dheeraado ama ha gaabtee, marka laga reebo meeriska ama labada u danbeeya intii isku ujeeddo ah ba tixda Geeraarka ah,Tusaale:
"Geeraar waa igu ceegoo
Waa ii ciidda dubaaroo
Way cir hooray diraacoo
Way caanaha geeloo.."
Timacadde
"Du'daduu isku xamraayoo
Dabjeexaan ku gam'aayoo
Waxa daalallo joogtuu
Dugsi nooga noqdaaye,
Qolkii gaaridu dayrtiyo
Daryaalii la gufeeyiyo
Ma daartii Dhegaweyne
Ka dul qawdhamayaa"!
Xaye Gallaydh
Comments
Post a Comment