ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR

 


Abwaan Ismaaciil Nuur Faruurbuur
Bad mareennimadiisa ka sokaw, Ismaaciil nin miiga iyo magaaladaba ka tabcada ayuu ahaa. Foolaadka qarnigii 19-aad ee falkinta suugaanta aan lagu hawaysan jirin, ee inta looga wada hadhay dhegaysigooda loo beratami jiray ayuu kaalmaha horre kaga jiray. Suugaanyahan gole ka fuul ah, oo aan hadalka calaalinnin ayuu ahaa; weligiina gabay uu tiriyay kuma celin ayaa la yidhi. "Ismaaciillaw gabaygii caynkaas ahaa noo mari" kolka la yidhaahdo, "Kan ba dhegaysta" ayuu odhan jiray baa la yidhi. Qabyaalladda iyo naxliga reerruhu in kaste oo ay meel sare ku darruurraayeen wakhtigaas, haddana Ismaaciil nin ka faro baxsan oo aan dhacdhaca xagga qabaliga ku dheeraynnin ayuu ahaa; AHUN.
Ismaaciil Nuur Faruur-buur AHUN—e, oo ahaa gabyaa af-qabeen ah, ahaana badmareen maraakiibta la socda, oo hadba meeshii shaqo ka jirto u goosha, ayaa wakhti wakhtiyada ka mid ah markabkii uu la socday ku xidhay mid ka mid ah dekeddaha dalka Masar. Nin Jaamac la odhan jiray, oo ay abwaankana hilbo ahaayeen, hawl wadaagna ahaayeen, oo ay maraakiibtana la wada socon jireen, ayaa ku yidhi, "Ismaaciillaw caawa haddii aynnu naagahan carbeed iskala tumanno ka warran?" Ismaaciil oo kolkaasi aan da'diisu yarayn, ayaa aad ula yaabbay fikradda saaxiibkii Jaamac. Waxa jaamac afkiisa ka soo baxay inta uu ka yaqyaqsooday, ayuu go'aan aan labaclabac lahayn inta uu maqashiiyay, uu xagga aakhirana xusuusinayaa Jaamac, fartana ugu fiiqayaa in uu haatanba da' joogo—oo aanu uba taag haynin naag lala tunto, iyo lacag dhayl loogu bixiyo hammo aan meel jirin. Jaamac ayuu mar kale u sheegayaa dhawrkan qodob: 
1- Arrin kaste oo aad gelayso bisinka ayaa loo qabtaa; bisin haddii aanu shaygaasi lahaynna in aanu barako lahayn ayuu u tilmaamayaa.
2- Sharaacaduna in aanay bannayn gabadh ajaanib kaa ah, in aad jidhkeeda xaaraan ugu raaxaysato ayuu ku bantookhinayaa saaxiibkii.
3- Isaga oo da' ah na, in aanu garac meher iyo gogol xalaaleed mid toona ku dhalan taag u haynin ayuu ku jalbeebinayaa. Carruur dhuuxiisii ahna in uu cid kale iska siiyo, in aanu diyaar u ahayn ayuu horeba ka maqashiinayaa, isaga oo u sheegaaya in uu waxoogaa khayr ah oo xagga aakhiro uu u tabcadayna, aad ugu faro adayggaayo, oo aanu rabin in uu dhayl dhayal ku burburiyo tacabkaas ajarka ah. Waxaanu yidhi:

"Bisinkaa xalaal jaamacaw, lagu bireeyaaye
Ma bannayn shareecadu hablaha, inaynu boobnaaye
Buruudkoodu waa qaaddigood, ula badheedhaaye
Amba taydii iga baylahdoo, waa bes taladay—e
Anigoo cirradu boosh i tahay, baastar dhali maayo
Barkin iyo furaash aanan dhigan, boodh ka kicin maayo
Bixinna maayo beesadaan u tagay, badaha xaafuun
Nimaan iiga baahnayn carruur, boqola siin maayo
Berri yoolka khayrkaan la tegi, maanta bi'in maayo"


W/Q, Cabdikarikiim Xikmaawi
La soco qaybaha hadhay.

Comments

Popular posts from this blog

QODKA GUBAN

JIN IYO JACAYL

FARSHAXAN QARSOON