JIN IYO JACAYL 2
Maqrib illaa salaadda cishaha inta u dhaxaysa, aad ayuu substationku mashquul u ahaan jiray. Macaamiil badan ayaa ka adeegan jiray wakhtigaas, sidaa daraadeed kumaan soo noqon inantii iyo ballankeediina kama aan soo bixin. Intaas oo kaliyaata uun maqnaantaydu ma qaadane, laba illaa saddex cisho kumaan noqon substation kii. Anigu aan maqnaado e, shaw iyadu intaas ba way isoo waci jirtay maalin walba! Gabbal iyo waalana taleefankii ku soo waashay meheraddii. Dharaartii danbe ayay xal keentayoo, shaw Kayse ayay ku tidhi, “Talefanka gacanta ee Axmednuur wato i sii walaal...” Isna kuma masuugine , durbadiiba waa kaas halhaleel ugu soo taagay. Todobadka saddexda cisho ee hore tafsiirka Qur'aanka ayaan sheekh Dirir masjidkiisa ka soo dhigan jiray. Qaar ka mid ah asxaabtayda ayaannu soo wada marsan jirnay kitaabka e, aniga oo masjidkii fadhiya ayaa lanbar aanan garanayni isoo wacay. Inta aan sidaas u eegay, lanbarka isoo wacaayana aan garan waayay ayaan iska damiyay talefankii. Iska sii watay casharkaygii. Kolkii salaaddii cishaa'i laga soo baxay, ayaan furay talefankaygii aniga oon masjidkaba ka soo bixin. Sidaadan u furayba, mise lanbarkii aan kolkii hore ku damiyay ayaaba haddana isoo wacaaya. Niyadda ayaan ka idhi, 'waar qofku dantuu leeyahay weynaa’! Markaan sidaa u soo baxayba talefankii waan qabtay. “Hello...” daan idhiba anoon hadalkii dhammaynin, saa “Inaabti ii warran?” Ayaan durbadiiba maqlaa! Inta aanaan wax kalaba is dhaafsan, waxa iga yaabiyay hadalkeeda degdegga ku jira, ee aad mooddid in ay war dhiillo leh ii sheegayso. “Waan wanaagsanaye ma wax dhibbaa jira dhankaaga walaal?” Ayaan weyddiiyay. Iimabay jawaabine, badweyn iyo haasaawe dheer wataas durbadiiba ila gashay. Degdeg ayaan masjidka uga soo baxaye, Cabdirisaaq iyo Maxamed oo ila socday isoo gaadhe anoo mobile-kii ku hadlaya. Is garab galnay anoo kolba ka yara durkaya. Mudo toban daqiiqo ka badan markaannu wada hadlaynay ee mobile-kii ka go’i waayey, ayaan ku idhi, “Markaan xaafadda gaadho ila soo hadal hadda suuq baan dhex marayaa, asxaabna way ila socdaane”. “Hayee iga qabo taleefanka” inta ay i tidhi, ayaannu ‘macasalaama’ is nidhi kolkiiba.
Intii aanan gaadhin guriga ayay haddana dhawr mar isoo wacday. Waxa ka muuqda dagdag iyo in ay tahay qof meel u socda, qudhaydu se waan xiisaynaayay in aan la hadlo markan. Ka qabtay Mobile-kii. “Hello, walaal wali maanad gaadhin gurigii?” Ayay i weyddiisay. “Mayee ila hadal waa caadiye, kaligay baan ahaye…” ayaan ugu jawaabay. Noo bilaaban hadalki. Daaqadda guriga hoostiisa oo xagga dibadda ah ayaan fadhiistay, waxa aannu wada hadlaynay ku dhawaad 4 saacadood haddaanay ka badnayn. Habeenkani gabi ahaanba wuu ka duwanaa mararkii hore ee aan wada hadlaynay, sababtoo ah waxay iiga warrantay sheekooyin qalbiga taabanaya. Waxay iiga sheekaysay arrimo igu sababay anoo markii horeba dhankeeda u sii janjeedhay; inaan u sii dhawaado!
Waa gabadh hadda da’deedu 17 tahay. 13 carruur ah ayay ugu yartahay. Hadda Hargeysa ay la joogto Habaryarteed, waxaana loona keenay magaalada cilaaj!! Wadaad qur'aan ku akhriya ayaa todobaadkiiba 4 cisho loo geeyaa. Siday ii sheegtay, inanta waxa laga cilaajiyaa 'il' ku dhacday intii ay Norway joogtay. Hadda in aad caafimaadkeedu u wacanyahayna ii raacisay. Iyadoo aad codkeeda ka dareemayso dareen aad u shucuuraysan ayay igu tidhi, "Wadaadka aan u tagaa si gaar ah ayuu dawadayda ugu sheegay aniga iyo Habaryartay!!" Inta aan naxay ayaan ku idhi, "Muxuu idiinku sheegay walaal?" Wuxuu yidhi, "marka aad guursato waad bogsanaysaa ee guurso" Kute!! Intaas kolka ay i tidhi, ayaan naxdin la qaboobay!! Wali way ii waddaa sheekada. Waan ka gurayaa—saa wax aan anigu idhaahdaaba ma jiraan: wali iyadaa ii warramaysa. Iyadoo sheekooyinkay iiga sheekaynayso iyo shucuurta hadalkeeda ku ladhani ay maanka ka guuxayaan, ayaa baytarigii mobilekaygu digniin bilaabay. Dhawr mar ayuu iiga digay in uu damaayo. Dareentay oo tidhi, "Mobilekaagu ma bilaa dabbaa?". Eegay, mise 6% ayuu dabku sii socdaa. Ugu jawaabay, "Haa walaal; dabkaa dhacaya". Si naxariis leh ayay iigu tidhi, "Axmednuur waxan rabaa in aan kula hadlo e, Mobileka soo dabee". "Hawraarsan walaal—ee i sug" ayaan ugu jawaabay. Soo kacay, waxa aan soo galay qolkaygii anoo wali la hadlaya. Fiishtii/baraysadii iyo xadhiggii mobileka ayaan soo qaaday. Dam.. eegay Mobilekii, ala ka daa lahaydee ha damine! Dabka galiyay. Si degdeg ah u shiday. Markii uu sidaa usoo kacayba way isoo wacday! Nasiib darro ma hayo xadhko dhegaha ah oo aan ku hadlo, xadhigga dabku na aad ayuu u gaabanaa. Ka qabtay Mobilekii intaan fiishtii kor u soo qaaday, waxa aanan u sheegay inay i sugto inta waxoogaa dab ahi ku dhacayo Mobileka. "Haye" iigu jawaabtay, ka dib waan dhigay.
La soco qaybta 3-aad
W/Q, Cabdikarikiim Xikmaawi
@Xikmaawi📸
Comments
Post a Comment