XARAFRAACA, HABDHACA iyo DHUDAHA TIXDA
![]() |
Tixdii maaddaama aynu qaybaha sare kaga sheekaynay si guud abuurkeeda iyo faracyada ay hayb ahaan ku kala aroorto, mar kale tixda waxa laga rabaa oo la’aanteed ceebi imanaysaa waa Xarafraaca. Xarafraacu waa xarafka ay tixdu ku socoto, kaas oo meeris walba laga rabo ugu yaraan hal mar. Waa xarafka ay tahay in hal’abuurku ilaaliyo marka uu doorto. Xarfahaas ayaa kala ah Shaqal iyo Shibbane. Hal’abuurku marka uu tixdiisa u isticmaalaayo shaqallada waxa laga rabaa in uu adeegsado shanta shaqal ee afsoomaaliga, kuwaas oo u oggolaanaaya in tixdiisu ay socod badan samayso, marbana uu mid isticmaali karo. Shaqallada afka ee shanta ah, “A,E,I,O,U” ayaa loo oggolyahay in hal’abuurku uu isku dhex wado meerisyada tixdiisu ay ka koobantahay, isaga oo ilaalinaaya miisaanka, habdhaca iyo shaqalladaa; waxaanay isku yihiin hal xaraf:
“Oday waayo-aragaan ahoo, ayni weyn jiraye
Markad ood ka bood tahay tashigu, waa in kaa maqae
Ardayahay aqoonsada cilmiga, aafo waa jahale”
Meerisyadan sare waxa ay ku socdaan Shaqallada, waxaana u furan hal’abuurku in uu isku dhex wado dhammaan ba shaqallada afkeenna hooyo. Waxa jirta qaybta labaad ee tixda loo abuuro Xarafraaceeda, waana mid ka yar adag taas hore, sababta—oo ah waxa laga rabaa hal’abuurku in hal xaraf oo shibbane ah uu tixdiisa ku ilaaliyo bilaw illaa dhammaad. Shibbanayaasha Afsoomaaliga sida B,T,J,X,KH,D, illaa Y, waxa laga rabaa tixda uu tirinayo in meeriskiiba ugu yaraan laga helo hal mar, ugu badnaanna saddex jeer! Marar muhiim ma aha xarafka aad dooratay halka uu ka galayo meeriska, waxa se waajib ah in aan meeriska laga waayin xarafka aad ku socoto ugu yaraan hal mar. Meeriska xaraf-raacu waxa uu ka gali karaa xagga hore, dhexe iyo xagga danbe intaba.
“Gacantayda kuma tolannin
Gacalkayna ima siinnin”
Xarafka “G” ayay ku socdaan meerisyadan sare, waxaana meeriskiiba ay galeen hal mar, haddii tix laba dhudle ah ay tahay na laba jeer ayay G—du gali lahayd, haddii ay saddex lahaan lahayd na saddex goor ayay gali lahayd.
DHUDAHA TIXDA
Dhud, waxa aan ula jeednaa hormo meeris kasta oo xarafraac qaadan karta. Meerisyada qaar hadddii ay leeyihiin Hojis iyo Hooris kala gaaban, waxa jira kuwo aan Hojis iyo Hooris lahayn, xarafkii se uu laba jeer ku soo noqonaayo. Si markaa aynu si guud la iskula fahmo, Dhud waxa ay innoogu taagantahay qaybaha meeriska ee xarafraacu ku taaganyahay, laba qaar ha noqdo, hojis iyo hoor ha noqdo ama wax ka badane, dhud waa hormo kaste oo meeriska ka mid ah, taas oo uu si qumman xarafraacu u raacay. Meerisku markaa waxa uu noqon karaa Hal-dhudle, Laba-dhudle, ama Saddex-dhudle. Dhud walba na waxa laga rabaa in ay si maddaxbannaan u wadato xarafraaceeda. Tixaha qaar ayaa jira dhuddoodiiba ay rabto laba goor in xarafkii ku soo noqdo, tixaha noocaasa waxa ka mid ah Heellada, Dhaantada iyo tixaha la dhismaha ah. Godadka caynkan ah—ee aynu ka sheekaynaynaa, waxa dhici karta in dhuddii laga rabay laba goor xarafku ay marmar tuurto xaraf, taas na waxa u qariya habdhacooda wanaagsan se ma aha wax qumman; Tusaale,
“Ma kashaad dhilataa dhololaysa
Ma dhinbiil cishqi baa ku dhalaashay
Ma ilmuu dhardadaa dhabankaygu
Saw imaad dhigan waadhka hilawga”
Meeriska ugu danbeeya qaarkiisa danbe ayaa lumiyay “Dh”dii ay tixdu ku socotay. Quruxda iyo habdhaca wanaagsan ee tixda, ayna u sii xoojisay [DH] da ku dhexjirta weedha “Waadhka” ayaa u qarisay hal’abuurku in Dh-daa maqan uu tabo baa laga yaabaa, laakiin tani waa tusaale uune, marar badan ayay sidan oo kale ku dhacdaa tixaha laba dhudlayda ah ee is qarsan kara; si wacan ayaa arrintaa looga arki karaa buyuudda Qaraamka ah, tusaale ahaan;
“Ceelka waan ku dhashoo ma caayi karee
Sideen Ceerigaab ka yeelaayeey”
“Wiig baan War-idaad dul weehanayee
Tanina ma Wadaamo-goo baa?”
Tixda Hal-dhudda ah, inta badan uma wanaagsanaado in xarafka ay ku socoto meeriska laba jeer ama ka badan la galiyo, mararka qaar na culays ayay keentaa aan se aad u muuqan. Tixda Hal-dhudda ah xarafka ay ku socotaa in uu laba jeer ama ka badan galo isla xarafkii meeriska culays ayay ku keentaa, laakiin waxa jira mid aan isagu culays ku keenin, kaas oo si aan iskula fahamno—aan ugu yeedhnay, “Haltar/asho”. Haltar ama Haltarasho midka aad tidhaahdaba, waxa aan uga jeednaa xaraf u eeg midkii xarafraaca tixda ahaa oo si isku mid ah hal meel tixda ugaga soo noqnoqday, xarafkaasi soo noqnoqday haddii uu Haltar yahay waxba tixda yeeli maayo quruxdeeda ama miisaankeeda, waxaaba laga yaabaa in uu u siyaadiyo qurux cajiib ah oo aan se dadku wada filan; Tusaale:
“Diddii hunguraw diddii
Kal daaf hagayaw diddii
Dhegaa dedanaw diiddii
Dareenka bukaw diddii”
“Siday u dalaysantahay
Siday u degmaysantaahay
Siday u dugaashantahay
Siday u daleensantahay”
Labadan goor ee Hadraawi marna soo celceliyay “Diddii” mar kale na uu soo celceliyay “Siday” waa “Haltarasho” uune, waxba kuma soo siyaadinayaan xarafraaca, wax foolxumo ah na kuma keenayaan, mararka qaarkood na qurux ayaaba ay soo kordhiyaan. Waxa kale oo jira marar ay erayada caynkaas ahi ay dhismaha tixda dheeraad ku keenaan, kuwaas oo noqonaaya “Dibraacayaal” laga yaabo in laftoodu ay qurux u horseedaan tixda; tusaale ahaan:
"Aduu kuu balanbalaa dhe
Aduu kuu beerraqaa dhe
Aduu kuu baaqayaa dhe
Bastaa weeyaan dartaa dhe
Badbaaduu ka rabaa dheh
Bureeqaay soo jawaab dhe
Mar wuu baaxaa degaa dhe
Mar wuu isku buuqayaa dhe"
Dibraacayaasha xaggan danbe ka galay tixdani waa ku dheeraad meeriskii miisaan ahaan, wax se ceeb ah loogama yaqaanno tixda dhexdeeda. Qodobka se aan hadalka ku keennay—ee ahaa in culays uu keeno inta goor ee xaraf isku mid ah la galiyo badaha haldhulayda ah, labadaa dariiq ee aan soo sheegnayna aan ahayn, kaas weeyaan ka culayska keenayaa, bal u fiirso tusaalahan hoose.
“Gabadhyahay garaysani
Gurigiinna goortaan
Gaadhiga ku soo galay”
Saddexdaa meeris ee sare ayaan tusaale uga dhigi karnaa waxa aan ka hadlaayo, waxaana laga yaabaa in si kama’ ah aad suugaanta ugula kulanto foolxumadaas aan la eegin!
HABDHAC
Habdhaca tixdu waa mid abuurta kala duwanaanta badahaha maanso. Habdhac kaste oo ay tixi leedahay waxa uu maqalka u gaadhaa hab isku wada sargo’an, taasi waxa ay fududaysaa in qofka suugaan aqoonka ahi uu si sahlan u garto badda ay tahay tixda la tirinaayaa. Haddii meel aad gacantaada ugu garaacdo si isku mid ah, ka dibna aad inyar ku waddo, dhegtaadii waxa ay la qabsanaysaa jabaqdaa isku sida ugu soo dhacaysa. Jabaqdaas oo isku miisaaman, aan kala degdegayn, wakhti kala daahayn, kala cuslayn, kala fududayn; sidaa adiga oo u wada haddii aad dedejiso garaacii gacanta, jabaqdii waa ay is beddalaysaa, waayo waxbaa meeshii is dhimay, kaas oo wakhti uu qaadan lahaa dherer ay meeshii gaabiniyi timid. Sidaa si la mid ah ayaa tixda habdhaceedu uu dhegta u yahay, laba tixood oo tirada xarfaha is leeg ayaa habdhacooda kala geddisani uu markaba ku tusayaa farqiga u dhaxeeya, kaas oo marka la sii darso uu keenaayo wakhtiga jabaqda ee degdegga ama gaabinta ah, isaga oo ku sii sal leh habka ay tixdu u qaadanayso shaqal dheerayaasha ama shaqal gaabyada iyo isku xigxiggooda, kala hormayntooda ama kala hor marintooda iwm.
Habdhacyada gudeed marka laga tago, si guud tixda Soomaalidu waxa ay samaysaa saddex habdhac. Saddexdaa habdhac waa kuwa masuulka ka noqonaya in xarafraaca la ilaaliyo. Habdhac marka aan leeyahay, waxa uu noqonayaa habka uu u dhaco meeris buuxa, meeris dhiman ama meeris taxan. Meeris Buuxaa waa ka Jiiftada oo kale, Meeris Dhiman waa Hojiska gabayga ama badaha labada qaar leh ee isku baahan; sida Masafada, Meeris Taxan—na waa meeriska gabay ama Kebadda ah ee dhawr goor si isku sar go’an looga sugaayo xarafkii in uu ugu dhaco meelo cayimin meeriskii. Habdhac kastaa markaa waa in uu wataa Xarafraacii ay tixdiisu ku soconaysay. Inta badan ceebi kama taagna Habdhaca tixaha hal dhudleyda ah ama laba dhudleyda ah, inkaste oo mararka qaar lagu kadsoomo dhudda dhacday iyo halka xarafku ka raacay hal’abuurka, adiga oo si kadis ah marar ula kulmaaya gabay laba dhac ah oo Hojiska oo kaliya uu xarafkii ka wada raacay gabyaaga. Haddaba qaybta ugu muhiimsan ee cinwaankan aan rabo in aan ku caddeeyaa waa gabayga Saddex-dhaca ah iyo sida uu u dhisanyahay; Tusaale:
“Rag kaa tagay, rafiiq nimad tihiin, talo lagaa reebay”
Meeriskan sare abwaanku waxa uu adeegsaday xarafka “R” waxaana uu ka dhigay gabay saddexdhac ah. Inkaste oo ay yartahay suugaanta Soomaalida in gabaygu inta uu saddexdhac ku bilawdo in uu ku dhammaado, haddana waxa hal’auurka saddexdhac samaynaya laga rabaa in meerisku uu noqdo saddexdhac kala madax bannaan, dhac kaste na ujeeddada uu buuxinaayo. Waxa kale oo reebban in meesha lagu arko xidhiidhiye, ama la isku dabataxo xarfo aan macno ku samaynayn meeriska—e xaraf ahaan uun meesha u yaalla, tusaale ahaan meerisakan;
“Xasan iyo Xuseen iyo Xirsaa, kaa Xusuus badane”
Meeriskan sare tiro ahaan (4X, ayaa ku jira) taas macnaheedu se ma aha in uu yahay meeris gabay ah oo [Afar dhac ah] haa, ma aha afardhac, waa se meeris gabay ah oo [laba dhac ah], se xarafka X-da ah ee meesha ku noqnoqday mar uu yahay xaraf raac, mar na uu yahay mid loo isticmaalay magacyo, ma bannaynayo in afardhac yahay meeriskani. Gabaygu marka uu laba dhacayo ama saddex dhacayo na lagama rabo wax xidhiidhiye ah. Saddex ridmo oo isbuuxinaya ayaa laga rabaa marka uu saddexdhac noqonayo meerisku, waana in uu qaadan karo astaan [Hakad]. Saddexda waaxood ee meeriska saddexdhaca ahi waa in mid waliba uu ku siiyaa macne buuxa, ka ku xigana aanu uga baahan wax xidhiidhiya ah; bal eeg tusaalayaashan kale:
“Wiyil hagaf leh, Aar soo handali, Hiije qabe reemi”
Mar kale “Rag carfi leh, Cabdina ii yaqaan, Ciir ma siin karo—e
Mar kale“Qar ha dumo, qiyaamana ha dhaco, qoysna yuu hadhine”
Dhammaan ba meerisyadaa sare qaabka ay u dhisanyihiin ayaa laga rabaa tixda saddexdhaca ahi in ay u dhisnaato, tixdu se inta xaraf ee ku jira meeriskeeda kuma noqon karto afardhac ama wax ka sii badan. Gabayga Soomaalida na waxa ugu sarreeya kaas saddex dhaca ah, waliba na waa laba qaab isaguna, kaas aynu soo aragnay iyo ka kale ee “Leh” da ku dhammaada, kaas oo laftiisu aan beryahan danbe badnayn, leh na labadhac iyo saddex dhac ba;
“Allaa xoog leh, mawdkaa xarbi leh, tagis xajkii baa leh”
Mar kale, "Hannaan quruxsan, hooshaar gobeed, hodan Dariiqaa leh”
FG; Arrintani waxa ay meesha ka saaraysaa in gabayga Soomaalidu uu leeyahay habdhac saddex ka badan. Qofkuna ma aha in uu iska tirsado xarafyada ee Habdhacu waa in uu waafaqaa meeriska. Shuruudahaa aynu soo sheegnayna uu buuxiyaa.
W/Q, Cabdikarikiim Xikmaawi
Comments
Post a Comment