JIN IYO JACAYL, Q3—AAD.
Naftaydii ayaan la shawrayaa. Sheekooyinkay iiga sheekaynaysay iyo waxay igu lahayd ayaa igu soo laba noqonaaya. Ma cashayn. Dhaygag ayaan la gaafwareegayaa. Waxyaabo badan ayay naftaydu intay maqnayd is weyddiinaysaa. Waxa aan ka fikirayaa waxa ay uga socoto hadalkan illaa fiidkii ay igu dhurayso! Waxa aan ka werwersanahay danta ay iga yeelan doonto. Mobilekii kolkuu dab yari iigu dhacay, ayaa ma sugi karo e, aan ku celiyey inantii. Waa diyaar! Ilbidhiqsigiiba way iga qabatay; allaylahee. Wax ay sheekadu noo socotaba, ugu danbayntii ayay iisoo jeedisay arrin ka fudud waxan ka malaysanaayay oo dhan. Waxay igu tidhi, "Walaal wax ma kaa codsan karaa?" Naxdintii adduunkaa iskugu kay timid; 'qoodh iyo xero waxad ka werweraysay wakaas hadda bilaabmay' ayay maskaxdii leedahay. "Haaye iga codso" ayaan ku idhi. Xidhiid! In aannu xidhiidh sheeko wadaag ah, oo kii gayaan loo ogaaya aannu wadaagno ayay iga codsatay. Kolka hore waan naxsanaaye, waxa layga codsaday haddii intaas uun ay tahy anna kuma diidin. "Hawraarsan iyo guddoon" inta aan ugu bantookhay, ayaa xalladda hadalkeedu isii jiitay. Intii hore hadalkayagu wuxuu ku saabsanaa isbarasho iyo iswaraysi guud uun, hadda se wuxuu isku beddalay xidhiidh sheeko. Wax ay saa ahaataba. Inantii waxa ay noqotay qofka ugu badan ee nolosha iigu wehel yeela. Waxa aannu wada hadli jirnay wakhtigayga oo dhan. Mar walba iyadaa isoo wacda. Mararka qaar waxaannu wada hadalnaa 1:00 pm illaa salaadda casar. Habeenkii intiisa badan wax aan iyada ahayn lama qaato. Wax ay sheekadu socotaba, waxay gaadhay in xataa markaan dariiqa lugaynayo aan wada hadalno. Sii durugtay! Hadda waxay maraysaa in airphones ku dhagaha iigu jiraan markaan xiisadaha dhiganaayo! Iyadaa iga codsatay sidaa! Kute, "Waxa kaliya wehel ii ahi waa codkaaga, fadlan hal daqiiqo ha igala maqnaan"!! Kuma diidin! Dhammaan asxaabtaydii ayaannu kala xidhiidh furmannay. Waxa marar igu soo dhacda heestay midhaheeda ka mid ahaayeen, "Anna sida banjoog Cawl, Ciirsi-laan bannaanada, Keliday ka baaqaa", sababta oo ah, wakhtigayga intii shaqada iyo intii waxbarashada mooyee intii kale oo dhan iyada ayaa yeelatay. Markaan duhurkii soo rawaxo, waxaan telephone la soo fadhiisan jiray geed ku yaal guriga hortiisa, illaa casar laga eedaamana halkaas baan ka tawaawici jiray. Muddo saddex bilood ah kolkaannu wada hadlaynay, ayaan ka codsaday in aannu is aragno. "Waa arrin wanaagsan walaal in aynnu is aragnaa, se waligay dibadda uma soo bixin aniga oo keliday ah; suuqa daaye, xataa dukaannada xaafadda keliday ma tago. Habaryaro ayaa meel walba ii raacda, se waxa iga ballan ah in aynnu si uun isku aragno...." Ayay noqotay jawaabteedii. "Waa si wacan walaal; bal haddii Rabbi xukmo arrintaas ku soo dedaal, waayo muddo badan ayaynnu is naqaannay, ismana weji garanayno e, bal aynnu isa soo baranno...." Ayaan ugu hal celiyay. Aniga oo qorshaynayna sidii ay u soo bixi lahayd, ayay ila soo hadli wayday muddo laba cisho ah!! Mobilkeeduna wuu xidhnaa labadaa cishaba. Su'aasha ugu badan ee labadaa cisho niyaddayda dhex wareegaysay waxay ahayd, ‘Talow maxaa helay inantii aan daqiiqad oggolayn in aad ka maqnaato’! Xiise aan markii hore iba haynin ayaa kolka i galay. Shaki weyn ayaan qaaday oo ah, 'waar ma markaad is arag ka codsatay ayay baxsatay gabadhii?' Naftii ayaa bilawday marna in ay ka werwerto, marna ay ka shakido. Siddeed iyo afartan saacadood ayaa isku soo wareegay. Daqiiqad daqiiqad ayaan hadba talefankeeda u garaacayay; bal in ay mar uun furto ayaa naftaydu aad u tamanniyaysaa. Wax dhacay ma ogi. Waan se werwersanahay. Aniga ayuunbaa shaw werweraaya e, waxa dhacay ma yara..
Afar caano maal inanta warkeedii ma hayo. Arrimuhu way igu cakiranyihiin. Nin hilaw iyo muxibbo lagu beeray ayaan ahaye, saa werwer ayaaban hadda dareemayaa. Qalbigayga xiise aan xad lahayn ayaa u gelay nafteedii. Dhegahaygu waxa ay aad ugu darsadeen codkeedii. Naftayda ayaaba u buseeshay gabadhii baarriga ahayd ee bixisadu sida fudud ii bartay. Marar ayaan naftayda eersanayaa! 'Bal maxaa kugu watay ee aad ballanta uga dalbanaysay' ayaan isku ciilkaanbiyayaa. In ballantayadii ay waxanba kaliftaan moodayaa. Goor casar ah, abbaaro shantii galabnimo tiiyoo ku dhawdhaw, waxa si kadis ah u soo dhacay talefankayga gacanta. Waan la booday! Tasmiin ayaan moodaye, hungo ayaan la karaar jabay. Ma garanaayo lanbarkan. Macno iima samaynaayo in aan ka qabto iyo in kale. 'Qushi; bal hadda ka qabo' ayay naftu igu durraamatay. Ka qabtay. "Hello, walaal iska warran Axmed?" Ayaa laygu bilaabay. "Nabad iyo wanaag walaal, waa tuma?" Ayaan ugu hal celiyay. "Walaal waa tu aanad garanayne, Tasmiin ayaa igu tidhi 'la hadal' sidaas ayaanan kuula soo hadlay, waxaanan kuu sheegaayay in inantii Tasmiin ay jabtay"!! "JABTAY AAAAA?" "Haa walaal way jabtay"! "Halkee ayay ka jabtayna walaal?" "Lugta ayay ka jabtay, halkaas kubka iyo kuraantu iska galaan". Naxdin weynaa! Aniga oo degdegaaya ayaan haddana u raaciyay, "Oo maxaa jabiyay walaal?" "Walaal baadka tiiyoo ka soo baxaysa ayaa marmarku u siibtay"!
Intaas haddii aannu is waydaarsannay inantii isoo wacday, taleefankii dhigtay. Nabar ayaan fakaloon ku maqnaa. Waxyaabo badan ayay maskaxdaydu is weyddiinaysay oo xaaladda inanta ku saabsanaa. Ma degana naftaydu. Warkan inantu ay ii sheegtay ayaa isaguna oog aan damayn laabtayda ku sii hurunaaya. Wax ay saacaddu socotaba, bacda maqrib ayaan mar kale wacay lanbarkii inanta kale iga soo wacday, maadaama kii hore ee Tasmiin xidhanyahay. Muddo ka dib, haddii dhawr mar ay iga qaban wayday, markii danbe ayaa Tasmiin lafteedu lanbarkeedii iga soo wacday. Farxad ayaan la boodbooday sida carruurta.
"Hello, Axmednuur ii warran walaal?" "Fiicne adigu ii warran walaal?" Ayaan gu jawaabay. "Maansha Allah walaal waan fiicnay hadda" ayay iigu tiraab celisay. Intaas kolkaannu is waydaarsannay, ayaan ka waraystay xaalkeeda iyo sida wax u soo gaadheen. Inta aanay iigaba warramin waayaheeda, waataas inantii oohin qabsatay!! Waar illayn tanoo kale! Qof kula jooga ama aad si wacan u taqaan ayaad af garataa waxa aad ku aamusiinayside, halkan waanigaas baroorta ku dari gaadhay! War kale ma jiro e, sasabaad iyo suubaalin saan ugu waday, ugu danbayntii ku guulaystay in aan aamusiiyo, waxa jirana ay ii sheegto. ''Walaal horta waatan kuu sheegay arrinkii naftayda khuseeyay ee wadaadku ku taliyay. Sidaa awgeed, hooyaday iyo habaryartay ayaa igu khasbaya in la ii guuriyo wiil habaryartay dhashay, anna arrintaas waan diiday. Maalintii aan jabi doono hooyaday ayaa ila soo hadashay, waxaanay ii sheegtay 'in aan sii diyaar garoobo—oo la ii dhisi doono habarwadaagay, iyaduna soo socoto, wax walbana diyaar yihiin'. Cadhadii aan ka qaaday arrinkaas, ayaan go'aansaday in aan gurigaba ka baxsado. Ka dib baadka ayaan galay anigoo aad u cadhaysan, soo bixitaankiinaa waanigaas siibtay ee sidaa ku jabay! Halkaas ayaa miir iigu danbaysay, waxan soo baraarugay uun anoo dhakhtarka aalla, lugta na nuuradi igaga xidhantahay, dad badanna i dul fadhiyaan..”!
Comments
Post a Comment