ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR, Q4—AAD

 


 "BAAL"
Gabaygan kale waxa uu Ismaacii kula hadlayaa xaaskiisa. Waxa la yidhi "Ismaaciil oo xoolo badan sita ayaa dalka yimid. Kan intan sii, kaas intaa u dhiib, keer waxaas u gee..." Nin aad u gacan furan ayuu ahaaye, dhar iyo dhuuni wixii uu sidayba tolkii ayuu ku sharraxay, in aan waxba ku hadhin gacantiisa kolkii la arkay, muddo badanna uu dalka joogay, ayay dumarkii ku direen gabadhiisii. "Naa ninkan dab iyo iyo reer laawaha ah, ee wixii uu helaba bixinaaya maxaad ka dul qaban. Naa magacaa ba'ye meesha iskaga tag; ma cidluu kaa helay!" Wax aan meeshaba leekayn ayay sidaa ugu akhriyeen miskiintii. Ismaaciil oo markaa u caqli celinaaya, una sheegaaya in uu baddiisii ku noqon doono, kuwaas soo afuufayana in uu indhahooda wax tusi doono, una ballanqaadaya xaaskiisa in uu kuwa ku diraya cagaheeda hoos keeni doono, ayaa gabaygan hoose u marinaya xaaskiisii; waxa uu yidhi:

"Naagyahay ballanni waa intaan, beledka joogaaye
Berraan socon haddii aan tashiga, la igu beenayne
Waxan sibraarka badhaxawgu shubay, inaan baqoolaaye
Baabuurradaan raacayaa, Boor Siciid qabane
Badda markaan tagaabaa risiqa, lay  badbadiyaaye
Waxa lay ballaqayaa albaab, buuxa weligiiye
Berberaan ka soo degi anoo, haysta maal badane
Way kuu baryootami kuwaa, kuu bud lulayaaye
Haddii aanan bakhtiyin dumar anaa, baro ku dheerayne
I baxnaani naagyahay sidii, baal ha fududaane!"

Muddo ayuu qurbihii ku maqnaa baa la yidhi Ismaaciil, haddii uu soo laabtay isaga oo maal badan soo tabcaday, dahab, dhar, lacag, iyo alaabo badan oo kalana sita, ayuu casuumad weyn tolkii iyo deriskiiba u sameeyay. Xoolo badan inta uu qalay haddii qayro/beel dhammi isku timid, ayaa uu xaaskiisii ku yidhi, "Naa shandadahan alaabtu ka buuxaan geedkaas hoos dhig kaw dheh, ka dib na kolka hilibka iyo cuntada laga dhergo, inta aad kolba shandad furto—oo waxa ku jira aad kor u soo saarto, ' Imaaciillaw kanna yaa leh' igu dheh" gabadhiina sidii ayay samaysay. Kolba inta ay kor u soo qaaddo inta uu madaxa kaga shubo dhar, dahab iyo lacag kay tahayba, ayuu ku yidhaahdaa, "Kanna adaa leh!" Cajiib! Dumarkii goobta iskugu yimid oo dhan ayaa hal mar wada yidhi "Alaylahee waxaasaa nin ah, bal eega waxa uu xoolo iyo xarragaba xaaskiisa u keenay..." Sidaas kolka ay tahay, miyaanu Ismaaciil ka dhabayn meerisyadii uu lahaa, 

"Haddii aanan bakhtiyin dumar anaa, baro ku dheerayne
Way kuu baryootami kuwaa, kuu bud lulayaaye
I baxnaani naagyahay sidii, baal ha fududaane"

W/Q, Cabdikariim Xikmaawi
La soco qaybaha hadhay.

Comments

Popular posts from this blog

QODKA GUBAN

JIN IYO JACAYL

FARSHAXAN QARSOON