ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR Q—2AAD.
"TABANTAABO"
Gabayga labaad waxa aynnu ku soo qaadan doonnaa gabaygii 'Tabantaabo' Ismaaciil xagga aabbe madi ayuu ka ahaa, oo wax ragga kalama uu walaal ahayn, xagga hooyo ayuu nin kale oo aan dhaqasho fiicnayn, dedaalkiisuna badnayn ay walaalo ka ahaayeen. In muddo ah wixii xoolo uu ka soo shaqaysto maraakiibta iyo dhulka carabtaba, walaalkii ayuu ku soo hubsan jiray, inta uu gacanta u soo geliyana, "Xoolo innoo sii" ayuu ku odhan jiray; oo dhaq. Isna uma aabba yeeli jirine, sida uu rabo ayaa uu tacabkaas walaalkii ka yeeli jiray. Caqabad kale oo weyn ayaa Ismaaciil ka haysatay xagga xaaskiisa, oo marar badan waxa uu ku dhaliili jiray Ismaaciil, u dhegonuglaanta xanta dumarka iyo dhaqasho yarida xoolaha uu bad iyo berriba u maray.
Haddaba, abwaanku isaga oo arrimahaas ka warramaya ayuu gabaygan kooban tirinayaa. Gabay ay ka muuqato tacabqasaarka uu abwaanku ku qabo walaalkii iyo xaaskiisaba. Gabay uu dhab uga calaacalaayo wixii uu dedaal bixiyay, iyo sida ay labadaas ruux 'hal bacaad lagu lisay' uga dhigeen dhididkiisii. Gabay aad ka dareemayso iimaan qabnimada abwaanka, iyo kalsoonida uu xagga Rabbigii ka qabo; isaga oo caddaynaya in dadka qaar iyaga—oon dhididba hurin, in Eebbe xoolo ugu deeqo, qaar habeen iyo maalin roorayayna aan tacab ugu xasilin rafaadka ay hantida u mareen. Haddii aanay mataannuhu is taakulinayn, oo aan bidixdu midigta kaabayn, in aan xoog iyo tacab mid toona suurtogal ahayn ayaa uu sheegayaa abwaanku. Miyiga haddii uu joogi lahaa, in maraakiibtii uu tacab ka ka biirsan jiray uu waayayo ayuu ogyahay, Maraakiibta haddii uu ku koobnaadana in xoolihii halkan ku baylahmayaan ayuu arkay. Kolkaasi ayuu isku qaadanayaa nin goblamay, oo aan waraso iyo walaal toona haysan. Kolkaasi ayuu gabaygiisa meerisyo ka mid ah ku leeyahay,
"Tuulaha magaalada miyaga, teeyo lagu maalo
Haddii aan mid uun tegi lahaa, tii kalaa dhimane!"
Gabaygan oo dadka qaar ay si koobkooban u tabiyaan, ayaa dadka qaar ay u qoreen in uu lahaa Cabdillaahi Muuse, waxaana u qoray Muuse Galaal. Haddaba, Cumar Ismaaciil Nuur, oo ahaa abwaanku wiil uu dhalay, isaga laftiisuna aan suugaanta ka madhnayn, xagga kaydkeeda iyo ururinteedana aad ugu fiicnaa, ahaana ninkii gabayada u kala qaadi jiray Afgaab iyo Muuse Hudle, ayuu abwaan Axmed-Qorane dhawr iyo siddeetankii weydiiyay wixii uu ka hayo gabayadii aabbihii, sida uu qorane waraysi uu Mawliid Maxamed Odowaa la yeeshay ku sheegay. " Cumarraw gabayadii aabbahaa maxaad ka haysaa?" Ayaan ku idhi. "Inta badan Axmeddaw gabayada aabbahay ma qabto, sababta oo ah hooyaday ayaa ay ila gelayaan"! ayuu iigu jawaabay! Mar kale ayuu Qorane weydiiyay gabaygan "Tabantaabo" oo ay dad badani ku murmaan cidda leh, in uu aabbihii ahaa iyo in kale. Kolkaasi ayuu ku yidhi "Mar aannu Cabdillaahi Muuse Burco ku kulannay (Cabdillaahi Muuse waa ninkii gabayga in uu isagu leeyahay, uu Muuse Galaal ku sheegay), ayaa lagu yidhi 'wiilkani waa Ina Ismaaciil Nuur Faruurbuur' intaas kolkii loo sheegay Cabdillaahi, ayaa uu si qiimo sara leh ii salaamay, waxaannu igu yidhi, 'Gabay aabbahaa leeyahay ayay reer barigu igu sheegaan, gabayga anigu ma sheegto, ee arrin i taabanaysa ayuu gabaygu ka hadlaa, sidaas awgeed inta badan afka kama dhigo, qofkii afkayga ka maqlayna aniga ayuun buu igu qoray' kolkaas gabayga aabbahay ayaa lahaa Axmeddaw AHUN—e," ayuu Cumar yidhi.
Intaas kolkii uu Qorane u sheegay Cumar, ayaa uu Qorane ka codsaday in uu u mariyo gabayga oo dhan, walaw aanu u dhammaystirin, haddana waxoogaa ayuu uga akhriyay. Waxa kale oo xusid mudan in gabaygani ku qoranyahay buug dhawr suugaanyahan maansooyinkooda lagu uruuriyay—oo af Faransiisn ku qoran. Buuggaas oo uu qoray Xuseen Cabdi Guuleed AHUN—e, ayaa uu gabaygan ku caddaynayaa in uu lahaa Ismaaciil Nuur Faruurbuur. Gabaygii oo inta dadku ka hayaanna ka roon, in wax ka maqanyihiinna laga yaabo; akhris wanaagsan.
"Tagaabiyo Allaa laga helaa, taliyo miisaane
Tookh weeye aadmiga ninkii, turuq ku faanaaye
Tallaababa darbaan qaadinnoo, taako buuxsadaye
Waxaan tab iyo xeelbaw guntaday, taabbageli waaye
Taageerraday laba gacmood, Tamar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa markay, tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagantahay, tahar ma goyseene
Tuulaha magaalada miyiga, teeyo lagu maalo
Haddii aan mid uun tegi lahaa, tii kalaa dhimane
Haantayda caanaha taqaan, taababkaa go'ane
Iyadaba tolliin waw egyahay, waa—se kala taalle
Taydii bay cuslaysaye maxaan, tari nin ii cawday!
Tiiraanyadiyo baysku mida, taws ninkii qabaye
Markaan lacagta taabka ugu siday, waan tusmayn jiraye
Tollaayeey muxuu Ciidagale, iigu talin waayay?"
W/Q, Cabdikarikiim Xikmaawi
La soco qaybaha hadhay.

Comments
Post a Comment