JIN IYO JACAYL, Q4—AAD


Halkaa kolka ay sheeko marayso, ayay haddana oohin kale qabsatay!! Waan aamusiin kari waayey illaa uu naqaskii ku dhagay oo ay hadli kari wayday oohin darteed!! Anoo anfariirsan baan dhigay mobilekii, haddana isla daqiiqaddiiba waan ku celiyey. Juuqna, ha iska dhaca uun... Markii mobilekii ay qaban wayday waan ka daayay garaacii. Saacaddu markay ahayd 2:30 habeennimo, ayay isoo garaacday Tasmiin. Wada hadalnay xilligaas. Intaan dejin karayeyna dejiyey. Laakiin markay xoogaa joogtaba way ooyeysay. Xal aan ku xakameeyo oohinteedana wali ma hayo. Cabsi badan ayaa i gashay. Inantu waxan ay ka ooyayso ayay wax badan naftaydu iska weyddiisay. Wax aan naftayda jawaab uga dhigo wali ma hayo.... Muddo illaa laba toddobaad ah ayaannu sidii ku wada hadlaynaa. Subax walba iyada ayaa ii kicisa salaadda subax. Walaw habeenkii oo dhanba aannu wada hadlayno, oo inta aannu jiifsannaaba ay waxyar tahay, haddana marnaba may seegi jirin inay ii kiciso salaadda. Subax danbe ayaanay inantii iba soo wicin ina kicin! Barqo danbe oo aan soo kacay haddii aan wacay, weyddiiyayna waxa ay saaka ii kicin wayday, ayay ii sheegtay in lacagta ku hadalka ee talefanku ay ka madhnayd. (Waligeed waa markii koowaad ee aan ka maqlo lacag ayaa iga madhatay) Intii aannu wada hadlaynay ayay gabadh yar ku tidhi, ''Cid ha u sheegin, hana tusin lacagta e, hooyoo dukaanka 20$ oo ku shubasho ah iiga soo iibi walaal...."!

Mar haddii inanti jabtay, anna arday aan ahaa wakhtigaas, aanan bixinna karin lacagta ku hadalka ee intaa leeg, waxay igu tidhi, ''Nationlink innoo soo fur''. Qofkii ku hadlay ayaa garanayee, shirkadda Nationlink waxay lahayd laba Sim Card oo la isku furan jiray, taas oo bishii $5 lagu shuban jiray, 24 saacadoodna lagu hadli jiray. Labadii Sim Card ayaan soo furay. Mushkiladi waxay ka taagan tahay sidii aan ugu gayn lahaa! Arrintaas anoo ka fikiraaya, ayaan la kaashaday iyada warkaas. Sheeko badan kadib, ii sheegtay in ay jirto gabadh yar—oo 10 jir ah, taas oo joogta gurigooda, ayna u dirato waxyaabaha dhadhwaw ee ay ka qarinayso habaryarteed, sidaas awgeed in ay taas yar iisoo diridoonto ii sheegtay, anna aan ugu soo dhiibo kaadhka shirkadda cusub. Sidii ayaan isku waafaqnay. Ii tilmaantay xaafaddii ay deggenayd. Halkii ay ii astaysay ayaan soo joogsaday. Ilbidhiqsiyo gudahood ayay iigu timid gabadh yar oo dheer, taas oo illaa xad qurux badanayd. Inta aan u dhiibay bushqad yar oo hadyad ah, taas oo ay ku jiraan Sim Cardkii, fargal iyo sawir kur ah oo anigu aan leeyahay, ayaan iyadana ka guddoomay bushqad (Involope) ah oo ka yara weyn tayda. Markii aannu sidaa u kala guddoomannayba is nabdaadinnay. Ilbidhiqsigii ay iga dhaqaaqday tii yaraydba, il iyo baal meel ay martay arki waayay!! Amankaag; aar talow maxaa yartii la booday? Haddana niyadda iska idhi waar 'waar waa ciyaal iyo caadaood—oo, malaa way carartaye haysku sii mashquulinnin. Wax yar markaan ka soo dhaqaaqay ayaan istaagay meel fooq hoostii ah, waxa aan furay bushqaddii ay hadyadda iigu soo dhiibtay Tasmiin. Sidaadan u furay bushqaddii hadyadda ahaydba, waxa ishaydu ku dhacday ubaxa cas ee noociisa oo kale weligay aanan xataa filim ku daawan. Far dhexada farahayga oo laba jeer la isku daray ayuu dharar leegyahay. Baallaha waa casaan. Urtiisa yaabka leh ayaan sanka durbadiiba saaray. "Haax, ala udgoonaa.." ayaan cod la maali karo ku idhi, waligay kaas oo kal... Dhawr goor oo kale inta aan urtiisa yaabka leh sanka ku nuugay, ayaan u jeestay alaabtii kale. Mar kale ayaan sawirkeeda quruxda badan aan kor ula soo booday. Masha Allah, ala inantu qurux badanaa! Laakiin wajigeeda oo sawir ah in aan arkaayo, ee aanan si dhab ah u hor taagnayn ayaan hilmaamay. Xubin ka mid ah jidhka aadamaha in uu wejigu yahay ayaan xusuustayda ka fogaatay. Markaas ayaan nabar ku dhaygagay sanqaroorkeedii iyo indhaheedii quruxda badnaa, anoo midabkeena ka helay! Kartoon yar oo xanjo ah ayaa hadyadda kaalintiisa kaga jira. Inta aan soo qabtay, dhaayahana aan aad ugu dhaweeyay, ayaan gadaashayda danbe ka tuuray anoon furinba. Mar kale ayay ishayda soo jiidatay gacanta caagga ah ee madaw, taas oo dhudhunkayga in lagu soo qiyaasay aad moodaysay, iyana gacanta bidix ‘jaf’ siiyay. Wixii aan ka qaadanaayay inta aan jeebadda ku gurtay, ayaan galkii alaabtu ku jirtayna bartii ku tuuray.

Wakhtigu waa noo samaa. Wax mushkilad ah oo danbe dharaarahan maannu arag. Haasaawahayagu si wacan ayuu noogu socdaa. Dhaawaca ay qabto ayaan layl kastaba la murugoodaa. "Ax" marka ay tidhaahdo, ayaan "Hee gacaliso" ugu jawaabaa. Xiisahayaga ayaa cirkaas maray. Maalintay jabtay, haddii aannu ka joogno afar bilood oo buure ah, lugtiina ay si wacan u soo kabmayso inantii, ayay maalin danbe kala dhacday!! Xanuunkii ka soo gaadhay dhaawacaas labaad ayaa maalmo suuro gelin waayay in aannu wada hadalno. Mar kale dib loo kab. Halkiina sheekadayada ka sii anba qaadnay. Imtixaankan nagu wareegaya aad uga werwernay. Oohinteeda aan wakhtiga lahayn sasabaad joogto ah la miciinsaday. Intii ay jabniinka danbe ku jirtay, ayay dharaar habaryarteed u qaadday dalka Jabuuti. Sidaadii diyaaradda loo saaray, ayaa mar qudha miyir laga waayay gabadhii!! Anfariir awgeed ayaa lagu soo xoomay. Ilbidhiqsiyo haddii ay isla maqnayd, ayay mar qudha ku alaladday, "Axmednuur, gacaliye.. Ila hadal Axmed... Xabiibi..." Naxdin ayaa dadkii afka gacmaha wada saaray. Sidii hadday inyar ahayd, ayay mar kale caadi ku soo noqotay. La socoy. Jabuuti markay galeen, ayay habaryarteed iisoo wacday aniga. "Hello, Axmednuur saw maaha?" "Haa walaale waa tuma?" Ayaan ku jawaabay. "Waa Tasmiin habaryarteede; hoo hooyo la hadal way ku doonaysaye"!! Ayay igu tidhi!! Intaas markay tidhi, ayaa naxdin wadnuhu isoo dhaafi gaadhay. 'Oo habaryarteedna yaa kuu sheegay' ayaan is weyddiinayaa. Anoo dhaygagsan, ayay fajicii iga toosisay Tasmiin, kolkii aan maqlay iyada oo leh, "....Miyaanad i maqlayn walaal?" Sidii qof hurdo ka toosay inta aan soo booday, ayaan degdeg inantii ula hadlay. Salaan wax aan ahayn in aanay iila socon ayay ii sheegtay, waxaana ay igu sii dardaartay in aan jacaylka dhexdayada aad u ilaaliyo, iyaduna ay si dhaba ii jeceshahay oo aanay rabin marnaba in aan ka fogaado. Muddo aan badnayn haddii ay Jabuuti joogtay, ayaa markii danbe Hargaysa lagu soo celiyay. Siddeed bilood oo danbe ayay qaadatay in ay kabanto inantii. Kabantay. Alle mahaddii siday ii sheegtayna si wacan u taltallaabsatay. (Ma arag ilayne, waa sida ay iiga sheegto talefanka)!


Comments

Popular posts from this blog

QODKA GUBAN

JIN IYO JACAYL

FARSHAXAN QARSOON