CABDIRACMAAN CADHOOLE
Qabashadii iyo dilkii Cabdiraxmaan Cadhoole AHUN, waxa uu ka mid ahaa raggii u dhintay calanka iyo gobannimada dalka Jabouti.
"22-kii bisha—oo ahayd maalintii xigtay maalintii aabbahay la xidhay, ayaa waxa guriga noogu yimid xubno sarsare oo ka tirsanaa xusbigii gobannimodoonka “PMP” ee aabbahay na uu ka tirsanaa. Raggaas waxa ka mid ahaa, Wihiib Ciise, Axmed Ciise “Sheekho” iyo Xuseen Xasan “Alle Magan”. Raggaas ayaa waxa ay is raaceen hooyaday, iyaga oo ku talogalsanaa sidii ay u soo raadin lahaayeen bal meesha aabbahay uu ku suganyahay. Muddo lix cisho ah oo gabbal iyo waale ay socdeen sidii ay aabbahay meel uun ugu soo hubsan lahaayeen, taas wax natiijo ah kama ay geedhin. Maalintii 27-aad ee bisha ayaa waxa ay u tageen ninkii Maayarka ka ahaa Jabuuti oo Faransiis ahaa. Markii ay la kulmeen maayarka ayaa ay weyddiiyeen, ‘halka ay geeyeen sirdoonkii Faransiiska ee qaatay aabbahay, maaddaama lix cisho meel walba laga soo eegay lana soo waayay. Maayarkii waxa uu markaa ugu jawaabay, “Ninkaasi waa uu xidhanyahay, berri na waxa la keeni doona maxkamadda—ee illaa 10:00 subaxnimo igu soo noqda... ”. Sidaas ayaa ay hooyo iyo raggii xusbiga madaxda ka ahaa ay kaga soo tageen maayirkii, waxaana ay u sheegeen masuuliyiintii PMP—gu bulshadii reer Jabuuti, in aabbahay berri maxkamadda la keeni doono e, ay halkaas kaga soo war doonaan...
2.7.Maydkii Aabbahay!
Nasiibdarro markii subaxdii loo tagay maayirkii, waxa uu hooyaday iyo masuuliyiintiiba u sheegay wax af ka weynaa; MAYDKII AABBAHAY!!! Naxdin ayaa qof waliba uu dhaqaaqi kari waayay, haddana waxa lagu khasbanaa in goobta maydku yaallay—oo ahaa dhakhtarka weyn ee Jabuuti lagu wada yaaco. Halkaa markii la tagayna, maydkii aabbahay ee la duljoogsaday hore ayaa uu qof waliba u aqoonsan wayay sida arxan darrada ah ee loo dilay. Taas oo jidh-dilka loo gaystay xataa la gaadhsiiyay in indhaha laga saaray! Fargalkii uu xidhnaa iyo gacantiisii ayaa ay hooyaday oo cid ugu dhawayd ku garatay; qof kale na hadalkiisaba daa!
Subaxdaas iyada oo aan maydkii aabbahay xaafadda la keenin, ayaa ay dadkii reer Jabuuti oo xaafad waliba ay xaafadda kale ka xidhnayd ay siliggii soo wada jiidheen, waxaana ay badidoodu noogu yidmaaddeen gurigayaga. Rag iyo dumar, carruur iyo waayeel markii dadkii reer Jabuuti ay daaraddii gurigayaga isa soo wada tubeen, ayaa ay ciidammadii Faransiisku waxa ay soo kaxaysteen diyaaradaha qummaatiga u kaca, waxaana ay in gaaban u marayeen dadkii goobta taagnaa, waxaana ay dadka ka qaadaysay diyaaraddu sawirraan! Nasiib wanaag se hal qof oo dadkii ka mid ahaa mar kaliya ma uu nuuxsanin, uma na uu dhaqaaqin—ee halkiisii ayaa qof waliba taagnaa!
Waxa kale oo aan aad u xusuusanahay markii maydka aabbahay la keenay guriga, in kolba kafantii laga beddalaayay—oo dhiiggu uu buuxinaayay tii lagu xidhaba! In door ah markii hadba kafan laga beddalay, ugu danbayntii sidii ayaa aabbahay lagu qaaday AHUN. Maydkii aabbahayna waxa isku qabsaday ehelkayagii iyo xusbigii Mucaaradka ahaa PMP, Xusbigaas oo ahaa kii gobannimada Jabuuti u diriraayay—ee uu ka tirsanaa. Ehelkayagu waxa ay doorbidayeen in gaadhi lagu qaado, maaddaama ay cadceeddu aad u kululayd, halka xusbiga Mucaadkuna uu doonaayay in degta lagu qaado, sidaas na maydka aabbe lagula lugeeyo magaalada dhexdeeda, iyaga oo arrintaa uga jeeday in ay shucuurta bulshada reer Jabuuti kor u qaadaan.
Ugu danbayntii tii ay soo jeediyeen xusbiga ayaa la isku raacay, maydkii aabbe na waxa aan xusuustaa in markii lala sii lugaynaayay ay reer Jabuuti oo dhammi ay daba socdeen. Waxa kale oo cajiib ahayd, ayna ahayd markii ugu horraysay ee mayd nin Soomaali ah—oo reer Jabuuti ah ay dumar raacaan janaasadiisa! Aan yaraado e, se galabnimadii waxa aan maqlaayay adeerkay Cumar Caalin oo hooyaday u sheegaaya in qabrigii aabbe ay ugu tageen rag ciidan ah oo ka tirsan maamulkii gumaystaha; kuna wareegsan goobta oo hub iyo saanad xooggan ku gaashaaman. Adeerkay sida uu sheegay inta uu gacanta soo qabtay Wihiib Ciise –Waxa uu ka tirsanaa xusbiga PMP, ahaana raggii ugu firfircoonaa xusbiga iyo gobannimo doonkaba- ayaa uu ku yidhi, “Waar gaaladan iiga turjumaanoo waxa aad ku tidhaahdaa, ‘Nimanyahaw ninkan waad disheene ma idinka aasannaa, mise maydkiisana aad cuntaane waa aannu idin siinnaa?” Kolkaas ayay gaaladii ku jawaaben, “…Maya, maya, annaku waxba idiinma gaysanayno—e waxa aannu ilaalinaynaa amnigiina, si aan hawsha dhib uga imanin. Iska aasta maydkiina annaku amniga goobta ayaa aannu sugaynaaye…”
Arrintaasi markii ay dhacday, odayaashii ehelka ahaa iyo raggii xusbiga aabbe waa ay shakiyeen, waxaana ay is yidhaahdeen malaha gumaystuhu waxa uu rabaa in maydka aabbe uu meesha kala baxo. Sidaa awgeed, waxa isla markii aasku dhammaaday ba qabrigii aabbahay loo sameeyay dhallinyaro is beddasha—oo qabriga si is waydaar ah u ilaaliya. Taasina muddo badan ayay ahayd hawl qabashadeedu ay maalinle ahayd. Dhawr cisho markii ay arrintu sidii ahayd na, waxa go’aan lagu gaadhay in xabaashii aabbahay loo sameeyo taallo, si aan berri ka maalin loo illaawin qabrigii aabbahay, waana la suurtogaliyay arrintaa lix cisho ka dib maalintii aaska. Sidaa milgaha iyo gobannimada leh ee reer Jabuuti ay aabbahay u aaseen una garab istaageen annaka waxa ay noo ahayd farxad iyo in naloo muujiyay hiil weyn. Inkaste oo aanu calanka Jabuuti markaa jirin, haddana waxa aan qabaa in aabbahay loo sameeyay (aas qaran)!"
🎤Rooda Cabdiraxmaan Jaamac "Cadhoole"

Comments
Post a Comment