ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR, Q3—AAD.
HAANTAAN GUN LOO TOLIN
Ismaaciil oo sida gabaygiisan sare ka muuqata waxoogaa adduunkii ka luufluufay, ayaa mar kale si gaar ah xaaskiisii ula hadlaaya. Adduunka ka sii kordhi mooyaane in aan qofna niyadda ku haynin intan aad hayso uun bismilayso ayuu innoo sheegayaa. Wax kaste oo aad jeceshay kolka aad gaadho, in hammigu meel kale balag kaaga lulaayo ayuu dhab u tilmaamayaa. Si kaste oo aad naftaada u hawshana, in wixii Rabbi kuu qoray wax ka badan aanad soo korodhsanayn, ayaa uu laabta innoogu shubayaa. Ka sii darane, ama ha bato ama ha yaraado—e, wixii tacab aad soo xooriso haddii aan xaaskaagu kula meel dhigayn, in tacabkaagu uu la mid yahay nin haan gun la' dhaaminaya ayuu tilmaamayaa. Ugu danbaynna in xaaskiisa uu ku harraaday sida—uu u waaninaayay ayuu ugu gebagebaynayaa; wuxu yidhi:
Hal haddii aad leedahay labaad, ku hindisootaaye
Hir markii aad gaadhoba midbuu, kaa horbixiyaaye
Haddaad Haalig iyo Maalig tahay, hagar la'aan xoogga
Aad haadka duuliyo sidii, haatufka u roorto
Aanse reerka hoos laga dhaqayn, kaama hawl baxo—e
Haantaan gun loo tolin biyuhu, ku hakan maayaane
Ku harraaday naagyahay intaan, hooy day ku lahaaye"
Comments
Post a Comment