CABDI GAHAYR
Gabaygan waxa uu Cabdi Gahayr tiriyey habeen uu u soo hoyday nin dhalay carruur ay Cabdi habro-wadaag yihiin. Markii lays yidhi geelii maala ayaa la waayey inankii barbaarka ahaa ee geela soo xareeyay. Cabbaar markii la is weyddiiyay, ayaa markii danbe la sheegay in uu ciyaar guday wiilkii! Odaygii inanka dhalay ayaa Cabdi u calaacalay—oo ku yidhi, "Cabdiyoow inanka waani bal waa intaa oo uu wax kaa maqlaaye". Markii inanki subaxdii danbe yimi ayaa uu Cabdi wiilkii gacanta qabtay, inta uu gaar ula baxay ayaa uu gabaygan dhegihiisa ku shubay; saa waa intaasoo wax ku qaadaye! Wiilka sida la wariyay waxa la odhan jiray Gahayr, waxaana uu ahaa Cabdi habar-wadaaggii. Wuxu Cabdi Gahayr yidhi:
Heellada Gahayroow raggii, heesi jiray daaye
Habeenkii Nugaal kama tumaan, hoobalkii bariye
Hir guduudan Haaruunnadii, kama hirwaystaane
Ba—Xawaadle hoobaan Wardheer, ugama heesaane
Aduunbaa hagoogane xarrago, laga humbaaleeye
Hadhuubkii laguu soo lisaad, haysataa weliye
Sidii hooyadaa kuu dhashaan, hawli kuu imane
Anba waxan hangoolka u sitaa, waan habranayaaye
Haasaasuhuun baan hayaa, dhimay hubkaygiiye
Hal martiya habaas kuma dhemeen, sida Huruufaane
Hindisaha Mareexaan qalbigu, way hanqadhayaaye
Hawiyaa Afmeer kugu xukumi, haabka kuma hayne
Hubso talada kayntaa yarbuu, hadal ka joogaaye"
Comments
Post a Comment