ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR (Q5—AAD)




RIYO"

Gabayganna Ismaaciil waxa uu ka tiriyay riyo uu habeen ku riyooday. Isaga oo badweyn gudaheed ku jira, oo markabkii uu saarnaa moolal aan la cabbiri karin la dhex gooshayo, ayaa uu manaamku gaynayaa hawd hogob iyo caleen leh, oo inta uu geel haleelo ahi ugu dhalay, fardo heetinaya iyo dumar hu' qurxooni goob ay joogaan aroos looga gingimay. Dhabeel midab qurxoonna inta aqal loogu hooyay uu kobtaas caruus ku yahay, musharraf iyo maqaawiir gole joog lehna inta ay kulmeen uu gacan qaadku laba dhacaayo. Hal mar haddii uu dhankaa isku rogay abwaanku, ayaa uu dhagidii ka toosay. Anfariirka iyo yaabka ku dhacay ayaa se noqday in uu badweyn iyo markab dushii saaranyahay! Firkannixii riyadu lahayd iyo halka uu joogo kolku isku eegay, ayaa uu tixdan gaaban mariyay Ismaaciil AHUN—e, wuxu yidhi:

"Nuuraw miraaqada adduun, meel aan xalay joogay
Miyigaan u baxay een sartiyo, maylimada qaatay
Maalkaan gatiyo qaalmahaan, miimka ku asteeyay
Mahiigaanka da'ay ee dhulkii, wada madoobeeyay
Maalkii dhaliyo caanahaan, la isu miya haynin
Macsharkaan salaamiyo shirkaan, maaxay gacanqaadka
Makhrib debadii reerkaan tageen, maanshe ka xishooday
Iyo marantidii ila fadhiday, midab wanaaggeeda
In kastaba mabsuudoo riyadu, ma laha meeqaame
Miiraabidaydii danbaan, toosay meel madhane
Markab innaan ku jirabaan arkiyo, mawjad gudaheedde!

W/Q, Cabdikarikiim Xikmaawi
La soco qaybaha hadhay.

Comments

Popular posts from this blog

QODKA GUBAN

JIN IYO JACAYL

FARSHAXAN QARSOON