JIN IYO JACAYL
Halkaa marka sheeko marayso, waxa afkayga ka soo baxay kalmad
ahayd, "Waar naga daa gabadhan shaxaad doonka ah oo lacagta
iigu shub". Hadalkaygii ayay inantii maqashay, waxaanay Kayse
ku dhaarisay in aanu lacag iigu shubin!! "Ninku wuxu igu caayay illaa uu ii
sheego ha ugu shubin lacagta" ayay ku celcelisay. Isna igu
yidhi "La hadal intaan kuugu shubayo". Gacantii taleefanka ayaan qabsaday. "Waaryaa ninkaagan i caayay, ma isbaran karnaa?" Ayay igu bilawday.
"Dhibi kuma jirto"! Ayaa aan si gaaban ugu celiyay.
"Magacaygu waa Tasmiin, waxan ku noolay magaalada
Hargeysa, dhawaan ayaan dalaka Norway ka imid.....". Intaas kolka ay si kartiyi ku jirto iskugu kay
raacisay, ayaa aan anna ugu jawaabay. "Anigana Axmednuur ayaa lay
yidhaahdaa, qolqol joog Hargeysaawi ah ayaa aan ahay walaal" Intaasi markay nakala gaadhay, ayay lacagtii iigu
soo dhacday Mobile-ka. Markan hubsaday in muraadkaygii ii dhammaaday, ayaa nin
hadal u socday ma aan ahayne aan ku idhi, "Barasho wanaagsan; nabad ku waar". Intaas kolkaan idhi, ayay igu tidhi, "Intaanad tagin ii balanqaad inaad soo noqonayso; waan
ku sii sugayaaye"!! "Waayahay" ayaan ku idhi hadal aan dibnaha dhaafsiisnayn, aniga
oo raba in aan warkeeda uun iska soo afjaro. Masaajidkii iyo asxaabtii ayaan ku
soo noqday. Akhriskii ayaan sii wadannay illaa 9:00 cawaysnimo. Maan ku noqon
inantii, waayo mabaan awoodayn—oo akhriskii baan ku daalay, gaajana waa i haysay
oo xaafadda ayaan hamuum kula itaallay. Muddo toddodaad ku dhaw maan haleelin
inaan Substation-kii ku noqdo, imtaxaankii jaamacadda oo ii socday awgeed.
Laakiin markaan Kayse is aragnaba wuxuu igu yidhaa, "Waar abti inantii baa ku doonaysa ee maad u timaaddid"! Cajiib, wax ay saa ahaataba, goor casar ah
toddobaadkii labaad ayaan soo maray substation-kii. Asxaab badan baa fadhida
markaas. In yar markaan taagnaa ayuu telephone soo dhacay. Kayse ayaa eegay
Telephone kii dhacayay. Waa iyadii; lafteedii!! Intuu soo kacay oo albaabkii
iga furay ayuu yidhi, "Abti kaalay ka qabo oo la hadal waa yartiiye". Asxaab badan oo madasha fadhiday ayaa kaftan ila
boobay, "Oo maxay ahayd yartaasina Kayse? Waar waa goob shaqo
meeshu--ee meelahaa la tag shukaansiga" iyo hadallo badan ayay asxaabtii
igu miiseen. Kaftankooda iyo xaalkaygu halka uu kala joogo aniga oo ku
qoslaaya, ayaan gundhada u galay substationkii. Degdeg ayaan u qabtay
telephonekii oo dhacaaya. Sidaas markii aan u qabtay ba, waxa ay igu tidhi.
“Hello, ii warran walaal?” Ayaan ku bilaabay. “Waan fiicnahaye, ma ninkii i caayey ee igu soo noqon waayaybaa?” Ayay iigu tiraab celisay. Saa inta aan qosol yar isku daad raaciyay, jeerka gabbasho kala ma jirto e, aan “Haaye saw lama wacna?” Ugu hal celiyay. Waan yaabbanay! Waar qofka adaaba talefanka ka qabtay cidina kuuma sheegine, maxay tolaw markiiba kugu garatay ayaan is weyddiinaaya. Malaha intii yarayd ee maalintii ayay codaaga si fiican u baratay; cajab! Aniga oo hadba isla yar baxsan, ayaa su’aalaheedu haddana malahaan dhisaayaba ay kala qubaan. Waa saase, waxa aad iigu socota gabadha sheekadeeda. Gabadh cod dhuuban, kaftan badan, hadal aqoon ah oo waliba firfircooni iyo qosol durbadiiba igu jalbeebisay ayaan maan maqan kula hadrayaa. Ninyaw malaha inanta Kayse ayaa kuu qarinaaya e, waa gabadh si wacan kuu garanaysa—oo way kugu ciyaarayaan ayaa marar igu soo dhacda. Wax walba ha igu soo dhacaane, hadda se sawtan iyadiiba i af duubtay ee warka in aan ka guraa ha joogto e, sheeko kale iyo hadal aan gabadhii ku haasaawiyaba la iga la’yahay in badan.
Waxaas intan iska dhaafay, is xaal waraysannay. Siday hore iigu sheegtay maaha e’ intii kale ee xogteeda ahayd ayay ila wadaagtay. Caalam aanan waligay aragti daaye hore sheeko ku maqal ayay durbadiiba i mushaaxsiisay. Waa la isii sitaa! Waykaas sii socda…! Nolosheeda gaarka ah, ta qoyska, qoladeeda iyo kumanaan hadal oo kala duwan ayay waxna ii sheegaysaa waxna iga weyddinaysaa. Waan hanuunay! Wax kale kuma gartide waan hoggansamay durbadiiba. Lah iyo xiise xagga hadalkeeda ii jiidaaya ayaa i beer qaaday. Codkeeda ayaan ku maqanahay. Bal codkan macaani wejiga uu ka soo baxayaa siduu u eegaan karo ayaan masanuuninayaa! Sheekadii oo “Hii” iyo “Haa”, “Haye” iyo “Kow” noo maraysa, ayaa salaaddii Maqrib masjidkii noo dhawaa ku dhuftay. Niyadda ayaan ka idhi, ‘yaa wakhtiga yara riixa; hoh, xilligan oo kale miyaa la addimaa!’ Inta aan xiisaha i haya is illawsiiyay, ayaan inantii ku idhi, “Waa la eedaamay walaalo, salaadda ayaanan aadayaaye nabad ayaan kuu dhaafayaa…” “Waa si wanaagsane, markaad soo tukato igu soo noqo” ayay iyana iigu hadal celisay. “Waa hagaag haddii Rabbi xukmo” intaan ugu jawaabay, ayaan gacantii iyo madaxii taleefanka isa saaray. Inta aanan bixinba ayay maskaxdaydu wax is weyddiinaysaa, se dooc badan ma siinnine degdeg intan kadinka uga soo booday ayaan masjidkii aaday.
W/Q, Cabdikariim Xikmaawi
la soco qaybta 2aad
Comments
Post a Comment