SUMMADAYNTA SUUGAANTA DUMARKA
Barashada summadaynta suugaanta ayaa aynu hadba dhan ka eegi doonnaaye, caawana waa "Maryama Xaashi", waa gabadh in badan magaceeda Suugaanta lagu arkay, caawana waxa aan rabaa in aynu isla wadaagno dumarka Soomaalida—ee Suugaanta dhexdeeda ugu magaca dheer, sida Hodan, Marmaya Xaashi, Barni, Aamina Siraad, Mullaaxo, Tafo-dhiig, Cawrala iwm. Anigu waxa aan innoo soo qabtay dhawr tusaale oo Maryama ku saabsan, idinkana waxa aan idiin kala baxayaa dumarka kale—ee Soomaaliyeed, magacoodana suugaanta lagu suntay.
FG, dumarka ama qisooyinka Carabtu kuma jiraan, sida Layla, Suleekha Iwm.
"Maryama Xaashi iyo tuu Gahayr, madar ka sheegayay
Iyo marantiduu Cige-Baraar, meel fog kaga booday
Muran maleh Ducaalow inay, muunad dheer tahaye
Maankaba ka jaray naago kale, muhindiskoodiiye
Haddii qaaddi ii meheriyoo, midigta lay saaro
Ka mabsuuday dunidaba illeen, maalintaa qudhahe!
Cilmi Boodhari
"Lagu mood magaalada Bumbay, macawisihii yiile
Lagu mood Maryama Xaashidii, magaca weynayde
Lagu mood Makaawi u egeey, dahabkii Maarseeye
Lagu mood masciideed indhaha, meel ka soo ridaye
Lagu mood Haldhaa meel fog iyo maraya sheeddaa—e!"
Cabdi Gahayr
"Gocashada sideedaa qalbigu, ii gurxamayaaye
Gabbal dama habeen bay arlada, galayax nuurtaaye
Gadihii Siraad iyo Maryama, laysu gacan-qaadye
Gacal iyo xigaal uumiyuu, gaasas halabeeye
Guutooyin baan kala dhex baxay, gig iyo baaruude
Ninkii gabay yaqaannaw af-xumo, waa ka garanuuge
In gankeed Ilaah ugu faddilay, galiya taariikhda"
Khadar Halac
"Sida macallin miimkii Qur'aan, meelo ka illaaway
Oo inu mar loox dib ugu dhigo, ugu muraaqooday
Nuuraw Maryama Xaashi ba
a, maanku dayayaaye!"
Nuur Tayo
Comments
Post a Comment