Posts

QODKA GUBAN

Image
  Gabaygan waxa tiriyay Abwaan Cumar Xiinwaal AHUN. Abwaanku gabaygan waxa uu tiriyay 1968-kii, xilligaas oo nin ay saaxiib ahaayeen, lana odhan jiray Cabdiraxmaan Carte Qaalib oo dalka dibaddiisa na ku maqnaa uu farriin u soo diray isaga—oo ku leh, 'In aan dalkii imaaddo ayaa aan rabaaye, bal iiga soo warran xaaladda guud ee dalka'. Cumar saaxiibkii xaaladdii dalka ayaa uu uga warbixiyay. Ugu horraynba waxa uu u sheegay in sidii uu dalka ku ogaa Cabdiraxmaan aanay wali waxba iska beddalin. Waxa uu xusuusiyay busaaraddii, shaqola'aantii, qorshe xumadii, aanadii, dilkii, foolxumadii, shaxaadkii, qiimodarridii, balwadihii, qosolkii madhnaa iyo qamaamkii maalinlaha ahaa ee ay awalba isla garanayeen in uu wali sidiisii uun yahay.          Waxa kale oo Cumar uu uga warbixiyay saaxiibkii sida aanay u hirgalin nidaam dawladeed, cid ummaddu hagta aanay u helin, wali bulshadu ay u qayraansantahay una qamaamsantahay. Waxa uu u sheegay in aanay quud tabcan, oo aanay d...

CABDIRACMAAN CADHOOLE

Image
 Qabashadii iyo dilkii Cabdiraxmaan Cadhoole AHUN, waxa uu ka mid ahaa raggii u dhintay calanka iyo gobannimada dalka Jabouti. "22-kii bisha—oo ahayd maalintii xigtay maalintii aabbahay la xidhay, ayaa waxa guriga noogu yimid xubno sarsare oo ka tirsanaa xusbigii gobannimodoonka “PMP” ee aabbahay na uu ka tirsanaa. Raggaas waxa ka mid ahaa, Wihiib Ciise, Axmed Ciise “Sheekho” iyo Xuseen Xasan “Alle Magan”. Raggaas ayaa waxa ay is raaceen hooyaday, iyaga oo ku talogalsanaa sidii ay u soo raadin lahaayeen bal meesha aabbahay uu ku suganyahay. Muddo lix cisho ah oo gabbal iyo waale ay socdeen sidii ay aabbahay meel uun ugu soo hubsan lahaayeen, taas wax natiijo ah kama ay geedhin. Maalintii 27-aad ee bisha ayaa waxa ay u tageen ninkii Maayarka ka ahaa Jabuuti oo Faransiis ahaa. Markii ay la kulmeen maayarka ayaa ay weyddiiyeen, ‘halka ay geeyeen sirdoonkii Faransiiska ee qaatay aabbahay, maaddaama lix cisho meel walba laga soo eegay lana soo waayay. Maayarkii waxa uu markaa ugu jawaa...

CABDI GAHAYR

Image
Gabaygan waxa uu Cabdi Gahayr tiriyey habeen uu u soo hoyday nin dhalay carruur ay Cabdi habro-wadaag yihiin. Markii lays yidhi geelii maala ayaa la waayey inankii barbaarka ahaa ee geela soo xareeyay. Cabbaar markii la is weyddiiyay, ayaa markii danbe la sheegay in uu ciyaar guday wiilkii! Odaygii inanka dhalay ayaa Cabdi u calaacalay—oo ku yidhi, "Cabdiyoow inanka waani bal waa intaa oo uu wax kaa maqlaaye". Markii inanki subaxdii danbe yimi ayaa uu Cabdi wiilkii gacanta qabtay, inta uu gaar ula baxay ayaa uu gabaygan dhegihiisa ku shubay; saa waa intaasoo wax ku qaadaye! Wiilka sida la wariyay waxa la odhan jiray Gahayr, waxaana uu ahaa Cabdi habar-wadaaggii. Wuxu Cabdi Gahayr yidhi: Heellada Gahayroow raggii, heesi jiray daaye Habeenkii Nugaal kama tumaan, hoobalkii bariye Hir guduudan Haaruunnadii, kama hirwaystaane Ba—Xawaadle hoobaan Wardheer, ugama heesaane Aduunbaa hagoogane xarrago, laga humbaaleeye Hadhuubkii laguu soo lisaad, haysataa weliye Sidii hooyadaa kuu dha...

ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR (Q5—AAD)

Image
RIYO" Gabayganna Ismaaciil waxa uu ka tiriyay riyo uu habeen ku riyooday. Isaga oo badweyn gudaheed ku jira, oo markabkii uu saarnaa moolal aan la cabbiri karin la dhex gooshayo, ayaa uu manaamku gaynayaa hawd hogob iyo caleen leh, oo inta uu geel haleelo ahi ugu dhalay, fardo heetinaya iyo dumar hu' qurxooni goob ay joogaan aroos looga gingimay. Dhabeel midab qurxoonna inta aqal loogu hooyay uu kobtaas caruus ku yahay, musharraf iyo maqaawiir gole joog lehna inta ay kulmeen uu gacan qaadku laba dhacaayo. Hal mar haddii uu dhankaa isku rogay abwaanku, ayaa uu dhagidii ka toosay. Anfariirka iyo yaabka ku dhacay ayaa se noqday in uu badweyn iyo markab dushii saaranyahay! Firkannixii riyadu lahayd iyo halka uu joogo kolku isku eegay, ayaa uu tixdan gaaban mariyay Ismaaciil AHUN—e, wuxu yidhi: "Nuuraw miraaqada adduun, meel aan xalay joogay Miyigaan u baxay een sartiyo, maylimada qaatay Maalkaan gatiyo qaalmahaan, miimka ku asteeyay Mahiigaanka da'ay ee dhulkii, wada mado...

SUMMADAYNTA SUUGAANTA DUMARKA

Image
Barashada summadaynta suugaanta ayaa aynu hadba dhan ka eegi doonnaaye, caawana waa "Maryama Xaashi", waa gabadh in badan magaceeda Suugaanta lagu arkay, caawana waxa aan rabaa in aynu isla wadaagno dumarka Soomaalida—ee Suugaanta dhexdeeda ugu magaca dheer, sida Hodan, Marmaya Xaashi, Barni, Aamina Siraad, Mullaaxo, Tafo-dhiig, Cawrala iwm. Anigu waxa aan innoo soo qabtay dhawr tusaale oo Maryama ku saabsan, idinkana waxa aan idiin kala baxayaa dumarka kale—ee Soomaaliyeed, magacoodana suugaanta lagu suntay.  FG, dumarka ama qisooyinka Carabtu kuma jiraan, sida Layla, Suleekha Iwm. " Maryama Xaashi iyo tuu Gahayr, madar ka sheegayay Iyo marantiduu Cige-Baraar, meel fog kaga booday  Muran maleh Ducaalow inay, muunad dheer tahaye  Maankaba ka jaray naago kale, muhindiskoodiiye  Haddii qaaddi ii meheriyoo, midigta lay saaro  Ka mabsuuday dunidaba illeen, maalintaa qudhahe! Cilmi Boodhari "Lagu mood magaalada Bumbay, macawisihii yiile Lagu mood Maryama Xaashidii, ...

ISMAACIIL NUUR FARUURBUUR, Q4—AAD

Image
   " BAAL" Gabaygan kale waxa uu Ismaacii kula hadlayaa xaaskiisa. Waxa la yidhi "Ismaaciil oo xoolo badan sita ayaa dalka yimid. Kan intan sii, kaas intaa u dhiib, keer waxaas u gee..." Nin aad u gacan furan ayuu ahaaye, dhar iyo dhuuni wixii uu sidayba tolkii ayuu ku sharraxay, in aan waxba ku hadhin gacantiisa kolkii la arkay, muddo badanna uu dalka joogay, ayay dumarkii ku direen gabadhiisii. "Naa ninkan dab iyo iyo reer laawaha ah, ee wixii uu helaba bixinaaya maxaad ka dul qaban. Naa magacaa ba'ye meesha iskaga tag; ma cidluu kaa helay!" Wax aan meeshaba leekayn ayay sidaa ugu akhriyeen miskiintii. Ismaaciil oo markaa u caqli celinaaya, una sheegaaya in uu baddiisii ku noqon doono, kuwaas soo afuufayana in uu indhahooda wax tusi doono, una ballanqaadaya xaaskiisa in uu kuwa ku diraya cagaheeda hoos keeni doono, ayaa gabaygan hoose u marinaya xaaskiisii; waxa uu yidhi: " Naagyahay ballanni waa intaan, beledka joogaaye Berraan socon haddii aan...

JIN IYO JACAYL, Q4—AAD

Image
Halkaa kolka ay sheeko marayso, ayay haddana oohin kale qabsatay!! Waan aamusiin kari waayey illaa uu naqaskii ku dhagay oo ay hadli kari wayday oohin darteed!! Anoo anfariirsan baan dhigay mobilekii, haddana isla daqiiqaddiiba waan ku celiyey. Juuqna, ha iska dhaca uun... Markii mobilekii ay qaban wayday waan ka daayay garaacii. Saacaddu markay ahayd 2:30 habeennimo, ayay isoo garaacday Tasmiin. Wada hadalnay xilligaas. Intaan dejin karayeyna dejiyey. Laakiin markay xoogaa joogtaba way ooyeysay. Xal aan ku xakameeyo oohinteedana wali ma hayo. Cabsi badan ayaa i gashay. Inantu waxan ay ka ooyayso ayay wax badan naftaydu iska weyddiisay. Wax aan naftayda jawaab uga dhigo wali ma hayo.... Muddo illaa laba toddobaad ah ayaannu sidii ku wada hadlaynaa. Subax walba iyada ayaa ii kicisa salaadda subax. Walaw habeenkii oo dhanba aannu wada hadlayno, oo inta aannu jiifsannaaba ay waxyar tahay, haddana marnaba may seegi jirin inay ii kiciso salaadda. Subax danbe ayaanay inantii iba soo wicin in...