Weerane
Geedkaa weyn ee dhabarkayga gaylaansani waa geedkii caanka ahaa ee "Weerane". Waxa uu ahaa geed qudhac ah oo cidhifka waqooyi—ee Awaare ku yaalla. Sawirkani waa 2019. Geedkan caanka ah Suugaanta magaciisa lagu xusay maxaad ka haysaa, anigu idiin soo qabto tuducyo ahaa;
Abwaankeennii Ina Mooge iyo, Aadan iyo Qawdhan
Indheergaradkii Daa'uud Axmadee, bilay aqoontiisa
Arbixii Rasaas iyo raggii, iilka lala jiifshay
Nin ba ooftu xigay baa bannaan, mana arkaysaane
Afar boqol haddii loo dilana, kuma illowneene
Abtirsiino raaci waxay ahayd, idil ba Daa'uud na
arrintaasi way kaga darnayd, askii "Weerane—e"

Gabay, Aardoon 1984-kii, abwaan Dayrwaa.

Comments
Post a Comment