QODKA GUBAN

 

Gabaygan waxa tiriyay Abwaan Cumar Xiinwaal AHUN. Abwaanku gabaygan waxa uu tiriyay 1968-kii, xilligaas oo nin ay saaxiib ahaayeen, lana odhan jiray Cabdiraxmaan Carte Qaalib oo dalka dibaddiisa na ku maqnaa uu farriin u soo diray isaga—oo ku leh, 'In aan dalkii imaaddo ayaa aan rabaaye, bal iiga soo warran xaaladda guud ee dalka'. Cumar saaxiibkii xaaladdii dalka ayaa uu uga warbixiyay. Ugu horraynba waxa uu u sheegay in sidii uu dalka ku ogaa Cabdiraxmaan aanay wali waxba iska beddalin. Waxa uu xusuusiyay busaaraddii, shaqola'aantii, qorshe xumadii, aanadii, dilkii, foolxumadii, shaxaadkii, qiimodarridii, balwadihii, qosolkii madhnaa iyo qamaamkii maalinlaha ahaa ee ay awalba isla garanayeen in uu wali sidiisii uun yahay. 
        Waxa kale oo Cumar uu uga warbixiyay saaxiibkii sida aanay u hirgalin nidaam dawladeed, cid ummaddu hagta aanay u helin, wali bulshadu ay u qayraansantahay una qamaamsantahay. Waxa uu u sheegay in aanay quud tabcan, oo aanay dahab qodan, oo aanay wax qorshe ah oo la sheegaa meelna bulshada uga aloosnayn. Waxa UU xusuusiyay in dawladnimaddii ay qoys noqotay. Waxa uu uga warbixiyay sida la isku wada wanjalaayo, la isku wada jallaafaynayo, la iskagana wada daba shaqaynaayo—ee hagardaamadu u badantahay! Wax uu dareensiiyay sida ay u luntay himiladii Soomaaliweyn, dhulkii maqnaa ee cadawgu haystay sida looga gaabsaday ayaa uu hogatusaaleeyay, waxaana uu u sheegay in afkooda iyo jeebkooda ay ka dhaxayso hantidii ummaddu nimanka xilka loo igmaday! Ugu danbayntii, ifafaalaha Waqooyi ka soo muuqda inta aan yara dhaawadayo, ee xaalka sida uu Alle ka dhigi doono aan jirinaayo adiguna qurbahaaga iska joog, caloolxumada iyo foolxumada dalkii taalla ayaa aad kaga indho qaraane ayaa uu ugu soo gabagabeeyay gabaygiisii; wuxu yidhi:

Nin qurbaha ku raagoo, beryahan qaafilnimo haystay 
Oo aan warkeen qabin ayaan, qawl udirayaaye 
Qalin iyo waraaq baan rabaa, inad ku qaaddaaye 
Qummaati ugu fiirsoo—adeer, qaladna haw yeelin!
Sidii baan u uqawlaysannaa, qalo la aantiiye 
Waa qaabaddii aad ogayd, qaadku duhurkiiye 
Sidii baan u uqayraansannahay, una qamaanaaye 
Sidii baannu qaadhaanka shaah, qayb wadaag nahaye
Qayilka iyo goortuu barjuhu, qayb u kala miirmo 
Naftanaa qisaas baratay iyo, qaxar habeenkiiye 
Hoy noo qarsoonaa baan sidii, ugu qaxwaynaaye 
Dhaamka qoorrigiisaan sidii, uga qoslaynaaye 
Qaan baan halis unahay sidii, quruxi yeelkeede!

Qorraxdiyo kulaylaha dar—uu, dheehu qolofaystay 
Oo saan-qonbobay baan sidii, qaran wadaagnaaye 
Sidii baan qolfoofkii u nahay, qaro yaraantiiye 
Qalbigiyo sidiibaa wejiga, qiiq ka karayaaye 
Qaadiro sidii bay indhuhu, nala qalloocaane 
Qaawanaan sidii buu derbiga, qubane jiifaaye 
Qado li'i sidii bay wax badan, maalmo qadayaane 
Roob soo qubtiyo sidii baa, baraf uqooyaaye 
Qufac iyo sidii bay darxumo, weli qandhoodaane
Sidii buu nin qalab doonayaa, noo qarribayaaye!

Sidii buu qarmiiciga hadhuudh, noogu qaybshaaye 
Qoys caydha waa caadadii, qaydhin uu cuno—e 
Sidii buu uqaataa shacbigu, cadihii quudheede 
Sidiibay qabiilladu carradan, qiimo leedahaye 
Qoontii habtii iyo gar baa, laysku qirayaaye 
Qudh'a waxay ka gooyaan ninkii, qaalmo soo dhaca—e
Sidii baan u kala qaybsannoo, qoloba meel taalle
Nimankay degmadu qaayibtee, sharafka loo quudhay 
Qawsaaradaan doorannee, libin uqoondaynay 
Qaantiyo dhulkii maqan raggaan, qira tusaalaynay 
Waxay qoodh ahaayeen markii, hawd la qabanaayo 
Iyagoon Qardhoba gaadhin buu, baalku qoyayaaye 
Sidii baa qamiiskii dulliga, qoorta loo sudhaye 
Nin qabow sidii baa Cabdow, loo qatalayaaye
Qaw baan dul naallaa sidii, qabarna hoosyaale 
Qormo laysku seegiyo xumaa, qodob ka joogaaye 
Qawl dibad ka yimid baa sidii, loo qaddariyaaye;
Waxba hadalku yuu iga qasmine, waxan kusoo qayday 
Qaaq baa dhulkii ka taagan iyo, qaylo aan demine 
Waa "Bakayle qalad" oo majiro, qurus xalaaleede 
Maatada qaraabaysataa, qadisay reerkiiye 
Qiiruu ninkii dhiig lahaa, quluub la luudaaye 
Waa qudh iyo qoys dawladoo, loo qabbaanyahaye
Rag tirsani qiyaas li'i intuu, gellin qadhiidhaayo 
Qasnad uu dadkani leeyahaan, shilin ku qoollayne, 
Waayeel qorsheeyiyo majiro, duq iyo qaangaadhe 
Quwaddeenu waxay saarantahay, qaalin layliyahe 
Qoomiyaddaad beri ogayd, qaamudkeed dhimaye 
Qool dabin ah, tab iyo xeelad baa, laysku qarayaaye 
Maalay qadhaadh iyo intaa, dacadacar la qooshaayo 
Waxaa lays qudhqudhiyaa sun iyo, dhiro qalaadeede;

Qodka guban kasoo kacay intaan, yara qiyaasaayo 
Maanta Qaranjab weeyee intuu, Eebbe qiil furaayo 
Yuraaniyaam ku qaadhiyo intaan, dheeman qodanayno
Qawad waa belaayee intaan, taxal qaboobayno 
Qurbahaaga joog ciiradaad, kaga qarsoonaane"!

Comments

Popular posts from this blog

JIN IYO JACAYL

FARSHAXAN QARSOON